Hargeysa(Hormoodnews)-Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Ucid Eng- Faysal Cali Waraabe ayaa kaga Hadley wareysi gaar ah oo Hormoodnews la yeelatey arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka soo socda, Siyaasiyiinta Xidhan ee Qaran, Taageerayaasha u kala socda Xisbiyada iyo arrimo kale.
Wareysigaasi oo aad u xiiso badan waxa uu u dhacey sidan:
S-Guddoomiye Faysal Waxaad u sharaxan tahey madaxweynenimada, markaa rajo intee le’eg ayaad ka qabtaa in aad ku guuleysato doorkan?
J-Doorkii hore ee aan ordayey siyaasada waan ku cusbaa, run ahaantiina waxa
tartameyey Rayaale iyo Mujaahid Siilaanyo, laaakiin doorkan waxaan kuu sheegayaa
doorashada annagaa ugu nasiib badan, sababta oo ah waxyaabaha na caawinayaa labada qof ee kale macaawinayaan. Waa mide dadka codeynayaa 50% waa gobolka Hargeysa, waxaanan leenahey maanta tollay yaa Hargeysa! Ta labaad labada nin ee aan la tartamyaa labadaba waa la yaqaan rikoodhkooda. Siilaanyo markii uu ahaa wasiirka Soomaaliya, markii uu ahaa Guddoomiyaha SNM, iyo markii uu ahaa wasiirkii maaliyada Somaliland intaba waa la ogyahay. Rayaalena kow iyo toban sano ayuu hadda joogaa oo lix sano uu ahaa madaxweyne ku/xigeen oo waa la og yahay. Anigu waan ku cusbaa meesha, inta mashruuc ee aan keeney dalka midkoodna ma keenin.
Markii Stu is dishey guddidii nabadgelyada ninkii abuurey baan ahaa, Dimuqraadiyada
ninkii u horeeyey ee Xisbi keeeney baan ahaa, haddii aanan maalintaa keenin Somaliland mugdi bey geli laheyd, markii la yidhi doorasho Baarlamaan dhicimeyso,
dagaalka Xisbigeyga ayaa la galey Baarlamaankii hore. Tii u dambeysey ee maanta
komishanka ayey aheyd. Haddii aanan Xisbiga UCID sameynin Somaliland maanta nabadaa ma ahaateen. Sidaa awgeed annagu qolada xukunka qolada hore u soo heysan jirtey ee imminka u badan KULMIYE iyo kuwa hada ku fadhiya cidda u dhexeysaa waa annaga oo yidhaa hadba qolada khaldan jooga, kuwaas oo markaa na caaya. Sidaa awgeed dadku waxa uu ogaadey in aan nahey kuwa mar kasta danta Somaliland wax walba ka horeysiiya. Markaa doorkan annagaa helayna oo dadku ogaadey maanta in ay danta Somaliland ku jirto in ay UCID soo baxdo oo ay tahey bad-baadada Somaliland.
S-Guddoomiye doorashada madaxweynaha ma dhici kartaa in asxaabtu isbaheystaan ?
J-Maya, sistamkeennu ma oggola, laakiin annagu haddaanu nahey UCID dawlad loo dhan yahay oo Qaran baanu dhiseynaa qofku hadduu yahay UDUB, KULMIYE ama aani xisbiba aheyn waanu qaadaneynaa.
S- Haddaanu isbaheysi jirin oo aanu waxba kugu darsan sidee ayaad uga qeybgelineysaa?
J-Dawlad midnimo qaran wax la yidhaa baan dhiseynaa oo saddexda xisbi iyo qaar
bilaa Xisbi ah ka kooban. Waqtigan xaadirka ah Somaliland halka ay mareyso mucaaridba uma baahna, qofka mucaaridka ahi waa in uu gudaha ka mucaaridaa. Laakiin dawlad midnimo qaran baan u baahaney.
S-Had iyo jeer waxaad maqleysaa Xisbiyada taageerayaal u kala guuraya, laakiin uma
badna UCID , bal taasi ka warran?
J-Anaga intaa waa la nagu soo biirayaa. Dadkan socsocdaa waa shaqsiyaad kursi doon
ah, laakiin dadka kama wakiil aha waa ay iska hadlayaan. Sidaa awgeed labada qolo ee
KULMIYE iyo UDUB caado ayey ka dhigteen hebel iyo hebel ayaa noo soo galey. Laakiin
annagu dadka hoosta ayaan ka wadanaa oo dhalinyaro ayaan intaa u qabanaa siminaaro wacyigooda kor loogu qaadayo si aanu afmiishaarku u marin habaabin, si ay doorkan dhalinyartu foodka gacan libaax uga qaataan, dadka annagu wax baan bareynaa, waxaanu nahey Xisbiga shacbiga, iyaguna waa asxaab shaqsiyeed oo shaqsiyaad kuraaasida doonaya ayuun baa kolba meel tegaya. Haseyeeshee aqlabiyada dadka foodka bixiyaa UCID bey taageersan yihiin.
S-Waxaad ku booqateen Xabsiga Madheera dhawaan siyaasiyiinta xidhan ee Xisbiga Qaran, sidii hore miyaad isaga soo dhawaateen?
J-Horta saddexda ninba saaxiib baanu nahey oo Maxamed Xaashi aniga ayuuba codka I
siiyey ee waxa isku kaayo dileyay jaraa’idka qaarkii. Markaa waa la nookala maakhireeyey mooyaane , anigaa uga horeeyey nimankii lahaa Asxaabta kale ayaa
taageersan, taasi waxa ay ku tuseysaa in annagu ka daacadsaney.
Markaa horena waxa aan idhi kelmad ah nabadgelyada dawladdaa ka wakiil ah, taas
ayuun baa si lookala duduwey. Runtaan kuu sheegayaaye sadexda ninba haddii uu
koodu u hirgeli waayo waxa ay soo gelayaaan UCID. Maxamed Xaashi iyo wey is yaqaanaan UDUB, isaga iyo nimanka ku badan KULMIYENA waa ay is yaqaanaan, Gaboose iyo KULMIYENA waa ay is yaqaanaan oo waxa ay isku ahayeen SAHAN, UDUB iyo Gaboosena waa ay is yaqaanaan oo foodkii wuxuu taageerey Rayaale.
Markaa Xisbigey isku fiican yihiin ee aaney hore u wada shaqeynin waa annaga. Ragga
aan ku leeyahey waan ku darayaa dawlada haddii alle yidhaa ee aan ku leeyahay wax bey ka tari karaan waa ka mid. KULMIYENA kuma darsan karo, UDUBNA kuma darsan karto markaaa nimanka anaa ka xigee, Jaraa'idka qaar ayaa waxaa qoreyey.. waanan isa soo afgaraney, imminkana waxa aaan jecley in si dhaqso ah loo sii daayo, taasna annagu dawladdaan kala shaqeynaa oo intaa Pressure ayaan ku haynaa Madaxweynaha iyo Dawladda sidii loo sii deyn lahaa.
Waad mahadsan tahay Guddoomiye.
Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa-Hormoodnews
|