HargeysaHormoodnews)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa wareysi xiiso badan oo aan la yeealaney kaga hadley arrimo badan oo dhinacyo badan taabanya. Wareysigaasi oo Shabakada Hormoodnews kula yeelatey xafiiskiisa maanta waxa uu u dhacey sidan:
S: Gudoomiye , marka hore nooga waran hawlaha goluhu wakhtigan halka ay marayaan?
J: Golaha Wakiladu sida uu dastuurku sheegayo kalfadhiyo ayay ku shaqeeyaan , kalfadhigii shanaad ayaa noo socda, waxaana guda galay intii kalfadhigu socday Anisixintii Masuuliyiintii Qaranka, Xeerka Abuurista Komishanka Xuquuqal Insaanka ee Somaliland oo doodiisu dhamaatay.
Waxa kale oo maanta doodiisii bilaabantay xeerka Miisaaniyada qaranka , xeerar kalana waa ay soo socdaan.
S: Xeerka Miisaaniyada oo kale oo labadii Miisaaniyadood ee idin soo marayba muran ayaa ka dhashay , xeerkani sidee uu wax uga odhanayaa?
J:X eer la'aantu sabab bay ka ahayd muranka Miisaaniyada labadaasi sano ee hore oo ma jirin xeer miisaaniyadu leedahay, sidaa daraadeed berri bay bilaabaysaa doodiisu haddii alle yidhaa.
Waxana loogu tallo galay in ay so oaf jarto wixii muran ama khilaaf ahaa ee ka dhalan jiray arrimaha Miisaaniyada .
S) Waxa aad hore u ansixiseen xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, markaa ma kula tahey in wakhtigaasi ay ku dhamaaneyso?
J: Xeerkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha waxaan qabaa in ay suurto galayso diiwaan gelin sababta oo ah komishanka doorashooyinka qaranka, deeq bixiyayaasha , Asxaabta , waxa ay isla qiyaaseen wakhtiga ay u baahan tahay in lagu daro , waanay isla ogolaadeen guddida Komishankana berri ayaan ballan leenahay in ay halkan noogu yimaadaan oo Nayroobi ayay ka yimaadeen hadda, mar labaad wax dhibaato ah oo ii muuqataa in aanay ku dhamaanayn wakhtigaa ma jirto.
S: Arrimaha Siyaasada ee ka soo kordhay gobollada bariga ka warran ?
J: Waa hawl qaranku lahaa oo muddo la sugayay in xalkeedu yimaado , waana maamul fidin uun , sidaad ka war qabtaan Somaliland meelaha qaar maamulku hore umuu gaadhin oo ay ka mid ahayd Laascaanood , waxaanay tani tahay arrin ay suurto geliyeen shacbiga Laascaanood ama Sool, waxaanan qaba rabitaankooda ayay ku timid arrintani. Waana
maamul fidin , dawlada Somaliland waxa xil ka saaran yahay in gacan la siiyo oo taakulayn la siiyo , dadka u dhashay gobolkaas ayaana maamulka fidinta sii wadaya, waxaanan rajaynayaa in dhamaanba maamulka Somaliland la gaadhsiiyo xuduudaha.
S) Howsha taakuleyntu sida ay u socoto ilaa hadda sidee u aragtaa?
J) Arrintaasi waxa ay u baahan tahay dhaqaale xoog leh. Goluhu waxa uu dhawaan ansaxiyey in 2% cashuurta lagu kordhiyo si wax looga qabto howlahaa halkaasi ka socda. Waxa ay bilaabmeysay bisha kowdeedii. Waxaana la sameeyey guddi qaran oo ka kooban xukuumada, asxaabta, iyoi goleyaasha qaranka oo loo xil saarey oo maamuli doona, wixii kale ee dhaqaale loogu talogaleyna wey dhex galeen, ganacsatadii iyo jaaliyadihii dibeda waa ay la xidhiidheen. Waxaanan filayaa in howshaasi meeel fiican u mareyso, Ilaaheyna ha fududeeyo.
S) Shirkii garaadadu ku qabteen Boocame iyo wixii ka soo baxey maxaad ka odhan laheyd?
J) Shacbiga reer Sool oo ka mid ah Somaliland dhawr jeer ayey mucaahadooyin la galeen Somaliland oo qoraallo ayaa lagu hayaa oo kii Burco ayaa ka kow ahaa, waxa xigey Kii Boorame oo Ka hor reer Sool ku sii go'aamiyeen Boocame laftiisa in ay ka qeybgalaan shirka Boorame, markaa arrintaasi Boocame ee garaadada waxa la sheegey in shirkaasi laga soo abaabuley budland oo shir shir dhaqanba muu aheyne waxa ka dambeeyey siyaasiyiin oo odayaasha qabta uun baa la yidhi.. Waxaaaaney ila tahay qof kasta oomreer laascaanood ah iyo qof kaleba wuu tegi karaa laascaanood oo maanta nabada weeeye. Waxaanan kula talinayaa in aan dadka colaad la gelin oo laga daayo qaxa iyo dhibaatada, colaad horaa loo soo arkee. Maaamul baa ka dhisan, booliis baa la sameeyey, waana ammaan. Waxaanan rajeynayaa in garaadadana caqligu u soo noqdo.
S) Dhinaca kale Waxa jirey kulamo dhawaan goluhu yeeshey oo albaabadu u xidhnaayeen, kuwaasi maxaad nooga sheegi kartaa?
J) Kulamadaasi danta golaha iyo xildhibaanadu si ay isu laab xaadhaan ayey u badnaayeen. Haddii aan soo koobo guud ahaan in la is xilqaaamo oo golaha la yimaado oo la shaqeeyo oo wax kasta oo golaha ku soo kordha xeer hoosaad iyo wax kaleba ay noqoto arrin golaha ka timi, isaga oo laga wada tashado oo loo dhan yahay in ay noqdaan.
Waxaana ugu muhiimsanaa in la isxilqaamo oo mudane kastaa waajibkiisa guto oo la shaqeeyo saacadaha la shaqeeyo oo golaha asxaabtnimada la yareeyo, golahana la weyneeyo.
S) Inkasta oo ay heshiiskii dhexdhexaadinta ka mid aheyd, haddana taasi weli ma suurogelin, arrintaasi sidee u aragtaa ?
J) Madaxweynuhu wuu ballan qaadey in uu sii daayo, kulan danbe oo aan la yeealaneyna koley waan la soo qaadney arrintaasi, waxaanan rajeyneynaa arrintaasi ku baaqiga ah xagga xukuumada in ay dhinaceeda ka fuliso.
Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa-Hormoodnews
|