Ha loo Noqdo Hidihii iyo Dhaqankii Print E-mail
Written by Keyse Maxamed   
Friday, 08 January 2010
 Sida caadiga ah wadan kastaaba waxaa uu leeyahay dhaqan iyo caado u gaara oo uu ku faano oo aan marnaba laga dul talaabsan Karin .  Hadaba dadka soomaalida ah ayaa ah kuwo suugaanta ku dhaata, taariikhdoodana ku xusa duug reebna ka dhigta ama ku kaydiya dhacdoooyinka ma dhaafaanka ah, iskuna tusaaleeya marxalaha wajiyo badanta ah ee ay noloshoodu la daristo iyagoo sawiro iyo muuqaalo kala gadisan ku suntaya .  Waxaanay sugaantu ugu calaamadsan tahay heer ama marxalad aad u saraysa, qofkasta oo hal abuur ahina waxa uu umada uu la nool yahay ku dhexlahaa karaamo, cisi, sharaf, iyo tix galin gaara .  Sidoo kale hal abuur kastaaba waxaa uu ku mudnaa inta uu murtida uu leeyahay xirfada dheeriga ah ee ilaahay hibada u siiyey.  Tusaale ahaan Abwaanka gabayaaga ahi waxuu ahaa mid lagu sharfo laguna tix galiyo hibadiisa gabayaanimo.Sidoo kale hoobalka cayaaraha Gole ka fuulka ka heesa waxa uu qadarin ku dhex  lahaa bahda ciyaaraha iyo bulshada uu la nool yahay .Sidaasi ayaa uu hal abuur kastaaba ugu jahaysnaa meesiga uu suugaanta ka maali yaqaano.    Hadii aynu hoos ugu daadegno badwaynta suugaanta ayaa waxay u kala baxdaa fariiqooyin lagu kala suntayo habdhaca farshaxanimo iyo haybta gaarka ah ee ay ku kala abtirsadaan.Tusaale ahaan :Gabay ,Geeraar, Guurow, Jiifto, Masafo,Buraanbur, Iyo Hees hawleedyo midkastaaba waxaa uu lahaa hab dhac iyo luuq u gaara oo baadi sooc u ah.  Balse wakhtiyadan danbe ayaa  waxaa suugaantii ku habsaday cibaaro yaab leh  oo ku hogaamisay inay ka baxdo kaalintii muhiimka ahayd ee ay kaga jirtay dhaqanka soomaalida kadib markii dhalinta da,yarta ahi waayeen cid ka  taa kulaysa oo ku hanuunisa wadiiqada saxda ah . Waxaa aan marnaba meesha ka madhnaan Karin oo mudan in la xuso lagana tiiraanyoodo karaamadii iyo sharaftii ay lahayd Suugaantu oo u muuqda mid ka sii dhacaya haadaan , taasi oo loo sababayn karo jiilasha danbe oo intooda badani ay noqdeen kuwo ay iskaga dhex daadsan tahay iskagana dhex milantay badwayntii suugaantu. Taasi oo ay cadaynayso in hal abuurkii kasta ee curiya afaray khaafiyadaysan uu sheegto Abwaan Gabayaa ah, isagoon u meel dayin halka ay kaga abtirsato tixda uu tiriyey badwaynta suugaanta. Sidoo kale waxaa jira qaybo badan oo suugaanta ka mida una muuqda kuwo meesha ka sii baxaya sida , Geeraarka . Guurowga iyo waliba heesaha maaweelada caruurta . Hadii aynu tusaale u soo qaadano Heesaha maaweelada caruurta..  Hooyooyinka soomaaliyeed waxay caado iyo dhaqan u lahaayeen inay ubadkooda u qaadaan heeso ay ku maaweliyaan wakhtiyada kala duwan ee ay la kifaaxayaan hawlahooda. Iyagoo u kala sooci jiray midba halka ay ku haboon tahay sidaQaar ay ku habaan caruurtooda Kuwo ay ku seexiyaan  Kuwo ay ku ciyaarsiiyaan . Iyo waliba qaar ay ku aamusiiyaan. Waxaa nasiib daro ah in hooyooyinka maanta joogaa ay noqdeen kuwo aan u adeegsan heesaha maaweelada ah ubadkooda una muuqdaan kuwo kaalintii ay suugaanta ku lahaayeen ee hooyada gabay.Bilaahi caleykum waxaan leeyahay hooyooyinka soomaaliyeed yaanay ka dul talaabsanin dhaqankoodii suubanaa ee madhaafaanka ahaa kuna qotomay kalgacalka, jacaylka xubeeritaanka, iyo milgaha hanashada hooyanimo.Arimahani ayaa ah kuwo masiirkoodu ku jahaysan yahay siidh guur ama dhalan dooris ku yimaada  suugaanta. kadib markii ay meeesha ka baxday hawl gabna noqotay wasaaradii Hidaha iyo DHaqanka  ee ku shaqada lahayd arimahani oo ka gaabisay waajibaadkeedii. Howshan wax ka qabadkeedu waa mid sugaaya una yaala bulsho waynta reer somaliland  ee ay hormoodka ka yihiin abwaaniinta, aqoonyahamiinta wax garadka iyo dhamaanba cidii danaynaysa jiritaanka suugaanta soomaalida, waana waajibaad saaran una baahan inay u guntadaan sidii loo soo noolayn lahaa suugaantan u sii dhalan roganaysa (Food saar Dabo saar loo rogay).               By:Kayse Maxamed XuseenEmail:  
 
< Prev