|
Shirgudddoonka guurtida oo albaabada isku xidhey |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Sunday, 17 January 2010 |
hargaysa(Hormoodnews) Jidka hormara xarunta guurtida ayaa xidhnaa maalintii labaad ,iyada oo ciidamo ay ku sugnaayeen ka horjoogsanaya gaadiidka mari jirey waddadaasi hal bowlaha ah.
Haseyeeshee Shirguddoonka guurtida ayaa iyagu ku yeeshey kulan albaabadu u xidhnaayeen oo aaney ka soo qeybgelin mudaneyaashii goluhu, waxaana loo diidey saxaafada in ay gasho gudaha xarunta.
Guddoomiyaha guurtida Saleebaan iyo labadiisa ku xigeen Sheekh Nuux iyo Siciid ayaa la sheegayaa in ay kaga garnaqsanayeen waxyaabihii keenay khilaafka kala qeybiyay guurtida ee ka dhashey isku shaandheyntii guddihoosaadyada ee ay ka biyo diideen xildhibaanadii lagu tirinayay mucaaridka.
Inkasta oo aan wax war ahi ka soo bixin, haddana wararka ayaa sheegaya in kulanka ay ku gorfeynayeen khilaafka waxa u salka ah, iyada oo uu dhinac walba daliishanayay xeer hoosaadka iyo waxa uu xaq u siinayo.
Guddoomiyaha ayaa qaba in aan la sameyn Karin wax isbeddel ah inta uu maqan yahay, haseyeeshee labadiisa ku xigeen ayaa ku adkeysanaya in ay xaq u leeyihiin shirguddoon ahaan isbeddelka ay sameeyeen.
|