|
Guddoomiyekuxigeenkii Koowaad ee Guurtida oo is casiley |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Saturday, 30 January 2010 |
|
Guddoomiyekuxigeenkii koowaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux ayaa iska casiley xilkii guddoomiyenimo iyo xubinnimadii guurtida. Sh. Nuux oo warqad qoraal ah
ah oo uu arrintaa kaga hadlayo u gudbiyay guddoomiyaha guurtida ayaa ku sababeeyay iscasilaadiisa in uu muddo dheer soo shaqeynayay oo uu haatan go'aansadey inuu howshii ka nasto.Fadhigii maanta oo ay ka soo qeybgaleen 60 mudane, ayaa hakad galey markii qoraalka iscasilaadu soo gaadhey, waxaanu sheegey guddoomiyuhu in fadhigu uu xidhanyay, ayna fadhiga berri isugu yimaadaan.Mudaneyaasha oo aan beryahan wax kulan ah aan yeelan ayaa la filayay in fadhiga maanta wax iskugu soo dhawaadaan, haseyeeshee warqaddan ayaa u muuqata in ay wax ku soo kordhisey xaaladii markii horeba madowgu ku jirey.
|