|
Shan iyo konton dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhalinyaradii lagu soo qabtey mudahraadkii laascaanood ayaa laga sii daayay xabsiga degmada Ceynabo, waxaana la geeyay magaalada Laascaanood.
Dhalinyarada xidhneyd oo aheyd 65 u badnaa ardey ayaa waxa la sii daayay kadib markii la sameeyay baadhitaan, islamarkaana laga qaadey sawiro iyo macluumaad kale.
Haseyeeshee waxa xabsiga lagu reebay 10 ka mid ahaa.
Dhalinyarada ayaa ahaa 39 wiil iyo 62 hablood oo iyaga oo gebi ahaanba la sii daayay.
Taliyaha xabsiga Ceynabo Ismaaciil Cali ayaa u sheegey in ay wax ku qaataan muddada ay xidhnaayeen, waxaanu uga digey in aaney u noqon falalka noocan ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhalinyarada la sii daayay lagu sii heyn doono saldhigga Laascaanood inta laga helayo cid damaanad qaada in ayna dub ugu tallaabsan falalkii lagu soo xidhey, kii loo waayana la sii heyn doono.
Dhalinyaradan ayaa la soo qabqabtey markii ay ka gadoodeen macallimiin wax ka dhiga madarasaddaha magaalada laascaanood oo loo xidhey tuhunno la xidhiidha qaraxyadii Burco.
|