Guddida dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland oo ugu baaqey madaxweynaha inuu sharciga ku soo celiy Print E-mail
Written by hormoodnews   
Sunday, 21 February 2010
Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada ayaa ku eedeeyay inuu xeyndaabkii dawladnimo ka baxey wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Idiris Cabdi.Warsaxaafadeed dheer oo ay ku sababeynayaan eedeyntaasi, waxeyna ugu baaqeen madaxweynaha inuu wasiirkaasi sharciga ku soo celiyo. Warsaxaaafadeedka oo guddidu ka akhridey shirjaraa’id ayaa u qoraa sidan:  “Sida aad la socotaan waxa gudida dhaqalaaha ee G/Wakiilada JSL iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, beryahanba ay ku guda jireen hawlo la xidhiidha la xisaabtanka masuuliyiinta Qaranka.

Guddidu iyada oo ka duulaysa dastuurka Qaranka Qodobkiisa 53-aad Far.(6) iyo (7) kuwaas oo u dhacaya sidan: Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay in uu u yeedho Xukuumada ama haya'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada Xilkooda" isla farqada xigta waxay leedahay" Gudiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in Wasiirka ama Madaxda Hay'adaha dowlada ama madaxda sare ee kale ee qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda", gudidu iyadoo cuskanaysa qodobka 45-aad farqadiisa 5-aad oo u dhigan sidan " Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenada waxa ku waajib ah in ay ka qayb galaan fadhiyada Golaha iyo  Gudiyadiisa hadii qoraal lagaga codsado sidaa"

sida ku cad qodobada dastuurka ee kor ku xusan, masuul kasta oo Golaha looga yeedho hawlo shaqo waxa ku waajib ah in uu golaha horyimaado kana jawaabo masuuliyada ay ummadu u igmatay.

Muhiimada wada shaqaynta Golayaasha Qaranka:-

Hanaanka iyo haybada dowladnimo waxa laga dheehda sida ay Golayaaashu u wada shaqeeyaan iyagoo raacaya dastuurka iyo xeerarka kale ee u degsan (Rule of Law). iyadoo nidaamka aynu qaadanayna ku salaysan yahay awooda kala xadaysan (Separation of Powers) oo si dastuuriya u wada shaqeeya isla markaana is ilaaliya (Checks and Balance). haddii la waayo habkaas waxa imanaya hab fawdo ah oo masuul kastaa iskala dhaqaaqayo wixii gacantiisa soo galay Halkaas oo ay ku baaba'do dantii qaranka iyo tii shacabkuba.

Guddidu iyadoo sii wada Hadalkooda waxay Warsaxafadeedka ku yidhaaahdeen" Hadaba waxaanu halkan marklae ummada ugu soo bandhigaysaa diidmada uu wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL diiday inuu u hogaansamo sharciga iyo dastuurka isla markaana uu caadaystay in uu ka garbixin kana xisaabtamin masuuliyadda uu qaranka u hayo, isaga dhegaha ka furaystay dhamaan yeedhitaankii guddida iyo tii shirgudoonka golaha taas oo macnaheedu tahay in uu dhamaan Golihii diiday. Markasta oo Wasiirku Golaha iyo Guddida u iman waayo waa dambi kale oo sii galay, waana markhaati cad in waxa la waydiinaya jiraan.

" Sida aynu hore usoo sheegnay Waaa waajib dastuuriya in gudiyada u yeedhaan masuuliyiinta Qaranka, mana aha awooda iyo shaqada Wasiirka maa masuulka loo yeedhay in uu isagu kala xusho gudiyada ama mudanayaasha uu la kulmayo, ee sharciyan waa in uu raacaa sida laga soo dalbaday. Guddi Dhaqaale ahaan waxaanu ka rabnaa in uu wasiirku ka jawaabo Su'aalaha golaha iyo umadaba madmadawgu kaga jiro oo kale ; Takaaliifta Dhoofka xoolhaa, Heshiiska Maxjarka iyo Sharciyeyntiisa, Qiimaha lagu dhisay iyo wakhtiga uu inaga dhamaanayo, taas oo uu Golaha awood u siiyo dastuurka Qaranka Q. 53-aad Farqadiisa 3-aad oo u dhigan sidan " Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiiyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin KUwa Siyaasadeed, Dhaqaale iyo nabadgelyo ama keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan kusoo aroorin miisaaniyada" waxa kale oo jawaabteeda laga sugayaa takaafiil kale oo laga qaado xoolaha oo aanu xogteeda helay taas oo aanu goluhu jidayn miisaaniyada Qarankana aan ku jirin. Dhamaan waxyaabaaha iyo kuwa kale oo kuligood ah arrimo maaliyadeed ayaa horyaal Wasiirka oo ay tahay in uu uga jawaabo guddida oo iyadu Golaha ka wakiil ah.

Haddaba halkiii uu Wasiirka Xanaanada Xooluhu Golaha ka hor iman lahaa si uu hantida ummada meel ugaga waramo, wuxuu u baydhay xajiimayn iyo hadalo meel ka dhac iyo aflagaado ku ah Barlamaaanka taas oo uusoo mariyey Qalabka warbaahinta. hadalada wasiirka kasoo yeedhaya ee xubno ka tirsan gudida ku weeraray ama uu ku tilmaamay go'aanadii guddida dhaqaalaha kuwo xubno gaar ahi wateen, waa wax aan waxbaka jirin, waxaanuna halkan u cadeenaynaa in dhamaan qoraaladii kasoo baxay guddida iyo shirararkii Jaraa'id ee arrintaa lagaga hadlayeyba ay guddidu u dhamayd imikana ay u dhan tahay, welina ay sugayso wasiirku kusoo noqdo xayndaabka sharciga ee tuurta ku qaatay.

Hadalka Wasiirka ee uu warbaahinta ka sheegay ee uu yidhi heshiisku waa sir aan ka qarinayo Baralamaanka, taas waxaanu u aragnaa marka hore waa aflagaado dhabeed ah oo Baralamaanka lagula kacay mana aha afmasuul. marka labaad waa talaabo kale oo uu Wasiir Idiris ku minjo xaabinayo dhoofka xoolhaa iyo Maxjarka, shakina ku abuuri karta waddamada aynu xoolaha u dhoofino in ay is waydiiyaan Sharcinimada heshiiska iyo maxjarka, waayo waxa uu isaga oo ah Masuulkii Qaranka u saxeexay heshiiska Al-Jaabiri uu afkiisa saxaafada uga qiraya in uu heshiiskaa Barlamaanka ka qariyey, aduunayda oo dhamina waxay isla taqaan in heshiiska aan Barlamaanka la gaynin aanu sharci ahayn. ahdaladaas oo aan la garanayn waxa ku kalifay Wasiirka.

Guddida iyo Dhoofka Xoolaha:

Guddidu waxay ku faraxsan yihiin soona dhaweenayaan xayiraad aka qaadista dhoofka xoolaheena taas oo aanu u aragno wanaag iyo yididiilo umadda usoo korodhay, waxanu kaloo soo dhaweenaynaa in hab ansax ah ay u dhoofaan xoolaheenu oo aynu yeelano maxjar la aqoosan yahay caafimaadkiisana la hubiyey. waxaanu kasoo horjeedna cidkasta oo hagardaamo iyo waxyeelo u gaysanaysa insha dhaqaale ee dalka usoo korodhay, laakiinwaxaa aanu daba joogna waa hantidiii umadda uga soo xarootay dhoofka xoolaha oo aanu doonayno in ay noqoto hanti qaran oo ku dhacdo Khasnada  dowlada, Miisaaniyadana ay ka muuqato, waxaanu hore iyo dibba uga hadlaynaa waa la xisaabtanka Xukuumada oo ah wixii naloo soo doortay, waxaanu doonaynaa in dhoofka xoolhaa ee ummadda oo dhami ku faraxday aan cidi si gaar ah uga xalaalaysan hantida ummada ama u lunsan, waanu doonayna in maxjarku sumcad wanaagsan ku yeesho suuqyada aduunka ganacsataguna ay u sinaadaan taas oo ay cadaatay in aan Wasiirka Xanaanada Xooluhu masuuliyada qaadiba karin. waxaanu doonaynaa in deegaamada ay Xooluhu ka dhoofaan ama maxjarkuba ku yaalo sida Degmada Berbera oo kale ay ku yeelato qoondayn dhaqaale si loog kabo waxqabadna degmadda ay ugu noqoto.

Gebagabadii, Guddidu waxay si sharciga waafaqsan uga dalbaysa in Wasiirku ku soo noqdo Xayndaabka Dowladnimada oo uu hada dibada ka joogo, guddigana uu horyimaado sii uu uga jawaabo halka hanitdaa ummadu ku dambaysay.

waxaa kale guddidu ugu baaqaysa Madaxweynaha JSL in uu Wasiirkaa Xanaanada Xoolaha kusoo celiyo Sharciga kuna Amro in uu golaha Horyimaado.

Guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada
 
< Prev   Next >