Wasiirka Caafimaadka iyo Hay’ada MSF oo Booqday Cisbitaalka Burco Print E-mail
Written by by: Yusuf Ilkacase   
Thursday, 25 February 2010
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Haybe Maxamed ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqay inay Hay’ada WFP ay soo daysay rashinka ay siin jireen Cisbitaalka Burco, isla markaana waxa uu daboolka ka qaaday inay qaybo cusub ku darayaan Cisbitaalka Burco. Wasiirka Caamifmaadka oo isaga iyo Wefti ka socda Hay’ada MSF Belgium iyo Holland ay shaleybooqdeen cisbitaalka Burco ayaa wuxuu caddeeyey in ay raashinka WFP oo  horey ay Ha’adaasi uga joojisay Cisbitaalada Somaliland gaar ahaana midka Burco ay xiligan si joogta ah u bixin doonto. Wasiirkan oo saaka ka hadlaayey goob ka mid ah Cisbitaalka Qaaxada Burco oo dadka bukaanka ah loogu qaybinayey raashinkan ay bixisay Hay’adani ayaa waxa uu caddeeyey in Cisbitaalka Qaaxada Burco ay ku jiraan bukaan gaadhaya 450 ay balan qaadayaan raashinkooda si ay dawada ugu adeegsadaan. Wasiirkaani ay weftigiisu waxay kale oo ay kormeer ku mareen qaybaha Cisbitaalaka Burco gaar ahaan Waadhadhka, Dugsiga caafimaadka Burco, isla markaana waxay kale oo ay kulamo la qaateen Maamulka Cisbitaalka, Dhakhaatiirta iyo weliba Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye. Reported by: Yusuf Ilkacase              
 
< Prev   Next >