|
Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo la sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Thursday, 25 February 2010 |
War ka soo baxey madaxtooyada Somaliland ayaa sheegey in ay yihiin waxba kama jiraan warar suuqa la soo geliyay saaka oo sheegayay inuu geeriyoodey madaxweyne kuxigeenka Somaliland Axme Yuusuf oo
beryahanba ku jirey cusbitaal ku yaal magaalada Baariis.Warsaxaafadeedka madaxtooyada ayaa u qoraa sidan:“Annaga oo tix raacayna wararka beenta ee ku saabsan in Madaxweyne ku
xigeenkii JSL , Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin uu Geeriyooday, Waxa aanu u
sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland dibad iyo gudaba in wararkaasi ay
yihiin Been aan sal iyo raad toona lahayn oo ujeedada ka danbaysaana ay
tahay in fidmo iyo khal khal lagu abuuro ummada reer Somaliland.
Waxa kale oo aanu ummada u sheegaynaa in Madaxweyne ku xigeenka oo
caafimaad u tegay dalka Faransiiska ay hadda u socoto daawooyinkii,
caafimaadkiisuna aad u fiican yahay, iyadoo aanu uga digayno dadweynaha in
aanay u dhag taagin beenaha noocaas oo kale ah.
Allaa Mahad leh,
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland
|