Ugaaska beesha Ciise oo si rasmi ah loogu caleemosaarey Zeylac Print E-mail
Written by hormoodnews   
Monday, 01 March 2010
Waxa si rasmi ah maanta loogu caleemosaarey magaalada Seylac Ugaaska cusub ee beesha Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo noqdey ugaaskii 19 aad eee beeshaasi yeelato.

Xafladda caleemosaarka oo soo martey marxalado kala duwan oo lagu xulayay ugaaska ayaa waxa ka soo qeybgaley dad aad u tira badan, madaxdhaqameedyo, siyaasiyiin ka socda saddexda dal ee Somaliland , Jabuuti iyo Itoobiya oo beeshu wada degto.

Raiisalwasaaraha Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta ayaa ku yimi madasha xafladda oo laga qotomiyay dallalimo weyn oo qaadeysa dhawr kun oo qof diyaarad helikobtar ah oo ku soo degtey gooobtaasi.

Ugaaska markii uu dhamaadey caleemo saarka waxa galabta uu u ambabaxey dalka Jabuuti.

Beesha Ciise ayaan muddo laheyn dhawr iyo toban sano ah ugaas iyada oo uu geeriyoodey shan iyo toban sano ka hor ugaaskii hore. Waxa xusid mudan beesha ciise dhaqankeeda oo aad uga duwan beelaha kale iyada ugaaskani yahay ka keliya ee ciisaha, halka beelaha kale ay ka sameustsatey beel waliba dhawr suldaan.

 
< Prev   Next >