|
Madaxweyne Rayaale oo soo sarey dhaqangalka xeerka shaqaalaha rayidka ah |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Tuesday, 02 March 2010 |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa
uu maanta soo saaray xeer lagu baahinayo dhaqan-galka wax ka bedelka iyo
kaabista xeerka shaqaalaha Rayidka ah, Xeer No: 31/2004
Madaxweynuhu markuu Arkay qodobada 90-aad iyo 75-aad ee dastuurka JSL,
isla markaana uu helay go’aanka golaha wakiilada, go’aan No:
GW/KF-10/474/2010 ee ku taariihaysan 31/01/2010 iyo go’aanka golaha
Guurtida, Go’aan No: GG/JSL/G-2/07/2009 ee ku taariikhaysan 27/07/2009,
ayaa waxa uu soo saaray Digreeto No: 0431/03/2010 oo lagu baahinayo dhaqan
galka wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer No:
31/2004.
Allaa Mahad leh,
Siciid Cadaani Mooge
|