|
Suldaan Baaq Nabadeed U Jeediyay Beelaha Wada Dega deegaanka Awaarre |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Friday, 05 March 2010 |
|
Suldaan Cali Cabdilaahi Beene oo ka tirsan Salaadiinta Somaliland ayaa saaray Baaq Nabadeed oo uu u jeedinayo Beelaha wada dega Awaarre ee dhawaan dagaalku ku dhex maray jiidaasi.
Suldaan Cali Cabdilaahi Baane oo caawa khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada Ramaas News, waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo beelahaasi walaalaha ah inay joojiyaan wixii nabad gelyada iyo wada noolaanshaha wax u dhimaya, waxaanu yidhi “Waxaan u jeedinayaa baaq nabadeed Beelaha wada dega Awaarre waxaanan leeyahay halaga wada hawl galo sidii Nabad gelyada looga shaqayn lahaa ee loo joojin lahaa wixii waxyeelaynaya wada noolaanshaha deegaankaasi.waxaan u raacinayaa baaqaasi Duco waxaan leeyahay waxaad tihiin dad is wada dhalay oo wiil iyo abtigii ah. Waxaan odhan lahaa ka samra wixii dhintay oo nabad ku wada noolaadda.” “Ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan idinka siiyo dadkii ku dhintay colaadaasi wixii ku dhaawacmayna Ilaahay ha shaafiyo, ugu dambayntii waxaad labada dhinac ugu baaqayaa inaad dib ugu noqotaan wanaagii oo aad nabadgelyo ku wada noolaataan, isla markaasna Illaahay uga mahad Naqdaan raxmada uu ina siiyay.” Suldaan Baane wuxuu sheegay in aanu dagaal dambe ka dhicin deegaankaasi hase yeeshee ay labada geesood ka aloosan tahay jawi colaadeed iyo kala shaki xoog leh. Dagaalkii ka dhacay bishii la soo dhaafay deegaankaasi, waxa ku dhintay 9 qof , halka dhawr kalena ku dhaawacmeen, waxaana colaadu ka bilaabantay Jabhada ONLF oo dad ku Laysay meesha la yidhaahdo Isgoyska
|
|