|
Madaxweyne Rayaale oo la kulmey wefdi shiine ah |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Saturday, 06 March 2010 |
|
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin,Waxa uu Maanta Qasriga
Madaxtooyadda kulan kulayeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka
Shiinaha.
Waftigaasi oo isugu jira Ganacsato iyo Madax ka tirsan Shirkadaha Madaxa
banaan ee Dalka Shiinaha oo Hogaaminayo “Mr. Ji shiaw shie oo ah
Maalqabeen Madax u ah Shirkadaha Waaweyn ee Caanka ku ah Dalka Shiinaha,
dhinaca Gacansiga iyo Farsamada Gacanta, Waxa ay booqasho gaaban ku
yimaadeen Somaliland.
Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo Hadal kooban waftiga u
jeediyey waxu marka hore uu ugu Mahadnaqay waftigaasi socdaalka ay ku
yimaadeen Somaliland oo ah wadankii 7aad ee Africa ee ay waftigu socdaal
ku kala bixiyaan iyagoo soo maray Saraf aad u dheer.
Madaxweynuhu waxa uu waftiga u sheegay in Shacbiga Somaliland ay marwalba
Xasuusan yihiin mashruuca Biyaha ay wali ka cabto Caasimada Somaliland ee
Hargeysa oo ah Mashruuc Dhawlada Shiinuhu ay ku Caawisay Reer Somaliland
Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay waftiga Shiinaha in Somaliland ay
tahay wadan Dihin marka ay noqoto dhinaca khayraadka Macdanta una baahan
Maalgashi Wadamada Shisheeyaha ah.
Madaxweynuhu isaga oo arintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “waxaan
ka warqabnaa Shiinuhu in ay yihiin Wadamada Horu u maray ee Danaynaya in
ay ka kaalmeeyaan Dalalka Africa arimo farabadan oo ku saabsan Dhinaca
Horumarka , sidaa awgeedna waxa uu ka Codsaday waftigaasi Shiinaha in ay
ka hawl galaan shirkadaha kalena ay u bandhigaan khayraadka Somaliland ay
leedahay oo ay ka mid yihiin dhinaca macdanta Dhuxul dhagaxda Buuraha u
dhaw Magalada Berbera oo lagu qadaray Malaayiin tan”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ganacsato badani oo
Reer Somaliland ahi ay la macamilaan alaabtoodana ka keensadaan Dalka
Shiinaha waxana uu sheegay in labada geesoodba u sahli doonto hadii
Ganacsatadda Shiinuhu ay Dakada Berbera ka hirgeliyaan Mandaqad xor ah
dhinaca Ganaciga ama waxa loo yaqaano
Free Zone.
Mr. Ji Shiaw Shie, oo isna kulan kaa Madaxweynuhu waftigiisa la yeeshay ka
hadlay, waxa uu Sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin wax yaabaha
Somaliland ay qabsatay iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalamiya, kuwaas oo ay
ugu wayn yihiin Nabada, Xasiiloonidda iyo Geedi Socodka Dimurqaadiyadda.
Mr. Ji Shiaw shie, waxa uu balan qaaday in Shirkadaha Madaxa Banaan ee
Shiinaha u u bandhigi doono waxyabaha ay ku soo arkeen Somaliland iyo
Fursadaha Ganacsi ee ka jiraba Somaliland.
Waftigaasi inta inta ay joogaan Somaliland waxay kulamo kala duwan la
yeelan doonaan Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha,
Wasiirka Duulista iyo Hawadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiiro
kaleba.
Kulankaa Waftiga Shiinuhu saaka Madaxweydnaha la yeesheen waxa kale oo
goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Mudane Cali Warancade,
Meeyarka Magalada Hargeysa Eng Husein Mahamuud Jiciir iyo Wakiilka
Somaliland ee Dalka Shiinaha Mudane Ahmed Cigaal.
|
|