|
Shirkadda Somtel oo xaflad ballaadhan loogu wanqaley |
|
|
|
Written by hormoodnews
|
|
Saturday, 06 March 2010 |
|
Shirkada Isgaadhsiinta SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ayaa si rasmi ah xadhigga looga jareyxaflad a balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
afladii furitaanka Shirkada cusub ee SOMTEL waxa ka soo qeyb galay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, Shirgudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato, Culimo Salaadiin, Aqoon Yahano iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa kuwaasi oo u dabaal degayay soona dhaweeyay furitaanka shirkadan cusub. Guddoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta Somaliland ee SOMTEL Md. Xirsi Cali X. Xasan, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in maanta si rasmi ah shirkada SOMTEL looga furay gobolada dalka oo dhan isla markaana magaalooyinka waaweyn ee dalka ay ka socdaan xaflado noocan oo kale ahi. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Shirkada SOMTEL hore loo furay sanadkii 1998-kii xiligaasi oo ay ka shaqayn jirtay Magaalooyinka Berbera, Burco, Buuhoodle iyo Laascaanod. Hase yeeshee wuxuu xusay in shirkadan oo aad loo balaadhiyay khadkeeddii isla markaana lagu soo kordhiyay adeegyo badan maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray. “Waxaanu ku soo kordhinay Shirkada Adeegga cusub ee loo yaqaano GSM-ka iyo adeegyo kale duwan oo casri ah oo uu ku jiro Internet-kii oo aad qiime jaban oo macquul ah aad ku helaysid, sababta keentay in SOMTEL ay dib u habayntan samaysay isla markaana bulshadu ay u baahan tahay tartan ganacsi oo xalaal ah oo ku salaysan Ganacsiga Xorta ah, sidaasi ayaanu u damacnay inaanu soo kordhino adeegyadan. Anagoo ka duulayna in loo baahan yahay qalab tayo leh oo aan ahayn qiimahiisa ayaa jabane’e soo iibso,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali X. Xasan, waxaanu intaasi ku daray “Qalabka malaha cida ugu horreysaa waa dunida reer galbeedka qalabkayagan waxaanu ka soo iibsanay shirkad Faransiis ah oo ku jirta kuwa ugu horreeya. Waxaanu adeegan dadweynaha ku siinaynaa qiime macquul ah oo duruuftooda la jaan qaadaysa. Telefoonkayagu maanta laga bilaabo waxa laga heli karaa Laascaanood Illaa Lawyacaddo.” Guddoomiyaha Shirkada SOMTEL oo faah faahin ka bixinayay adeegayada ay soo kordhiyeen wuxuu yidhi “Waxaanu bulshada Somaliland ugu bushaaraynaynaa inaanu bilownay adeeg cusub oo kala ah Mobilo laba kaadh leh oo kaadh aad u isticmaali karto SOMTEL midka kalena shirkada aad adigu jeceshahay.waxaanu keenay Mobilo cadceeda ku shaqeeya.Internet deg deg ah oo aan filayo in baahidiisii laga haqab beeli doono oo isugu jira GPRS-ka, Wireless, kaadhka yar laga geliyo Kombuyuutarka iyo kuwa kaleba waxaana qofka isagoo dariiqa maraya inuu adeega Internet-ka uu galo.Ma jiri doono waayiro Telefoon oo aanu dhulka u qodayno iyo kuwo aanu dusha marinaynaa.waxaanu isticmaalaynaa adeeg kale oo ka casrisan oo ah nadaxyo guryaha la dhiganayo . ” Guddoomiyaha Shirkada SOMTEL wuxuu sheegay inay adeeg isku xidhaya u samaynayaan dhammaan dhakhtarada wadanka, Saldhigyada wadanka iyo Dawlada Somaliland. “Waxaanu soo kordhinay adeeg telefoon oo isku xidhaya Saldhiyada Booliska ee gobolada dalka. Waxaanu bulshada u soo kordhinay oo aanu daymo gaar ah u leenahay dadka dhaqaalahoodu hooseeyo sida ciidamada qaranka waxaana aanu ka qaadi doonaa qiime gaar ah. Waxa intaasi dheer waxa jirta in had iyo jeer lacag uun lagu bilaabee mudada tijaabada ee tijaabadu socoto oo aanu hubinayno in qof waliba ku qancay nidaadka Isgaadhsiintayadda waa lacag la’aan. Waxaanse Ganacsatada dhigayaga ah ugu bushaaraynaynaa inaanaan suuqa soo gelinin dagaal qiimaha ah (Price war) haddii nala kalifo waa meesheeda,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadaasi SOMTEL. Md. Xirsi Cali wuxuu sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan khadkii Isgaadhsiinta ee Puntland ka dibna dalka Soomaaliya oo dhan. “Waxaanu sadexda murashax ee Madaxweynaha Somaliland waxaanu u samaynaynaa Telefoonada dadka soo garaacayaa waa bilaash,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali X. Xasan. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL ee ku soo biirtay adeegii Isgaadhsiinta waxaanu illaahay uga barayay inay noqoto mid tisqaada oo ay ka wada faa’iidaystaan bulshada Somaliland oo dhammi. “Waxaan soo dhawaynayaa shirkadan cusub ee SOMTEL ee ku soo biirtay shirkadihii Isgaadhsiinta waa wax ilaahay loogu mahad naqo waxaan garanayaa xili Telefoonada loo tagi jiray Diridhaba iyo Jabuuti, waxaase waxay inoogu hirgaleen nabadgelyada ka jirta dalka,”ayuu yidhi Sh. Dirir waxaanu intaasi ku daray “Waxaan odhan lahaa waa mahadsan tihiine’e haddii aad tidhaahdeen sadexda Murashax Telefoonka lagala soo hadlayo waxaanu ka dhignay bilaash, waxaan odhan lahaa Anigoo aan ku hinaasayn dee sadex wadaadna iyaba dhinacii diinta ayaa lagala soo hadlayaaye’e bilaash ka dhiga.” Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay faa’iido aad u weyni ugu jirto dhinaca tartanka ganacsiga waxase uu shirkadaha Isgaadhsiinta uga digay inaanu tartankoodu noqon mid hadha oo is dumiya. Waxaanu shirkadan cusub ku ammaanay in Mulkiilaha Dahabshiil ee shirkadan soo kordhiyay uu ummadda ka kasbaday kalsooni iyo ammaano xafid mudadii ay shirkada Dahabshiil Soomaalida u shaqaynaysay. Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md, Abiib Xasan Filfil, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay ku faraxsan yihiin furitaanka shirkadan waxaanu xusay in Wasaaradiisu ay shirkadan u fudaydin doonto wixii tasiilaad ah ee ay uga baahato. “Ganacsiga waanu dhiiri gelinaynaa laakiin ma noqon doonto shirkaduhu qaar is dumiya ee waxay noqon doonaan qaar is dhisa oo is dheeli tira inshaalaah,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu. Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan Ganay) oo ka hadlay Xafladaasi wuxuu sheegay u mahad celiyay mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL oo uu tilmaamay inuu dalka horumarintiisa kaalin laxaadleh ka geystay. “Waxaan leeyahay ummadda Somaliland waar danta gaarka ah waynu naqaanaa ee ma naqaano danta guud, waxaan leeyahay dadweynaha waar imika ayaa doorasho la galayaaye’e xusuus qor yeesha oo waraaqihiina u hubsada. Waxaan odhan lahaa Gobanimadu wax gunti la geliyo ka weyn,”ayuu yidhi Abwaan Xasan Ganay waxaanu ku dheeraaday Illaahay uga baryay shirkadan inay noqoto mid tisqaada. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xafladaasi ayaa ugu horreyn dhambaal hambalyo ah u diray Mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel Maxamed Siciid Ducaale waxaanu shirkadan SOMTEL ku tilaamay mid tusaale u ah sida ganacsiga dalku uu u xoogaysanayo. “Waxaan idiin sheegayaa Somaliland qaranimadeedii weerar baa lagu soo qaaday, waxaan u hambalyaynayaa horta Ugaaskii Ciisaha ee dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada Saylac. Caleemo saarkii Ugaaskaasi waa la inaga sheegtay oo waxay ahayd inaynu marti qaadka inagu lahaano waxaan idiin sheegayaa waxa meesha yimid Raysul wasaare dal kale Wax baratakool ah halkaasi kumaynaan lahayn,”ayuu yidhi Md, Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aanay soconayn Somaliland haddii aanay xukuumadda iyo shacbigu ficil la iman.Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay shirkada SOMTEL waxaanu Ganacsatada ku dhiiri geliyay inay ku tartamaan tijaarada oo ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen. Md. Axmed Siilaanyo wuxuu xukuumada iyo Goleyaasha Baarlamaanka u soo jeediyay inay u diyaariyaan shuruucdii iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaha ganacsigu. Sidoo kale,waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo sheegay Hambalyada uu u diray masuuliyiinta shirkada SOMTEL ka sakow, ka waramay sida ay xukuumadu u soo dhawaynayso ganacsiga xorta ah. Dhinaca kale, waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay oo u mahad celiyay shirkadan Wasiirka madaxtooyada Md. Xasan Axmed Ducaale iyo Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Sh. Maxamed Cabdi kuwaasi oo ka hadlay sida xukuumadu u soo dhawaynayso tartanka ganacsiga waxaanay shirkadaha u soo jeediyeen inay samaytaan shuruuc adag oo ay ku kala baxaan. Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada Dahabshiil Md, Maxamed Siciid Ducaale oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen shirkadaha DAHABSHIIL iyo SOMTEL, waxaanu tilmaamay inuu dalka horumarkiisa ka sii shaqayn doono. Md, Maxamed Siciid wuxuu xusay inaanu ku faanayn dugsiyada, Biriijyada iyo Cisbitaalada uu dadkiisa u hirgaliyay. Waxa ugu dambeyntii halkaasi loogu qeybiyay dad gaadhaya kun qof moobillo iyo kaadhadhkoodii.
|
|