Qosolka Dhoola Cadaynta Ah Waxa Lagu Qiimeeyaa Shakhsiyada Qofka Print E-mail
Written by Deeqa Axmed   
Tuesday, 01 June 2010
Qosolka dhoola cadaynta ahi waa ka inta badan dadku ay ku qiimeeyaan  in dhoola cadayn tani ka tahay mid runa iyo inay tahay mid ay ka danbayso  munafaqnimo iyo khiyaamo  Jariirada “Express’L” cadadkeedii soo baxay shalay ayay  ku xustay in daraasad uu  dhawaan ku sameeyeen ururka  Go’groub” dad ganacsadayaala oo  badan koodu ka shaqeeya shirkado kadiban ay ku ogaadeen in dhoola cadaynta deg-dega ahi ee labada qof marka isugu horaysa loo arko in  uu yahay  qofkani mid aan la aamini  Karin kaasoo loo qaadanyi in  ay u jeedadiisu tahay inuu kasbado kalsoonida Qofka marka uu u muujiyo waji furan laakiin qofka isagu iska dabiiciga ahi waxa ;loo arkaa inuu yahay mid daacada oo la amini karo. Hadaba culimadani waxay ukala saareen dhoola cadaynta sadex nooc  1: Mid aanay ka muuqan wax kal gacala isla markaana aad arkayso in ay qofka khasab ku tahay.  2: Mid ay ka muuqato xamaasad badani sida adiga oo la kulmay qof aad isugu dhertihiin. 3: Mid khafiifa oo aad ku qaabilaysid qof aad meel ku kulanteen ama layskiin barayo. Waxa kale oo intaa kudaray “Leslie Miken” oo ah madaxa ururka Go’group ee sameeyey daraasadani “waxa haboon in qofku marka isugu kiin horaysa aanad si degdega ugu dhoola cadayn waayo waxa uu kuu arki karaa in aad tahay qof aan daacad ahayn  oo qosolkani yahay mid aan xaqiiqo ahayn Dadku waxay jejcel yihiin had iyo jeer in dhoola cadayntu wajiga ugu muuqato si degan oo dabiiciya oo ay ka muuqato daacad nimo.   
 
< Prev   Next >