Xisbiga UCID oo isu soo baxyo ballaadhan ay ka muujiyeen taageeerayaashiisu gobollada dalka Print E-mail
Written by hormoodnews   
Sunday, 06 June 2010
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ayaa munaasibado aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID isagu soo baxeen fagaarayaasha khayriyadda magaalooyinka dalka. Munaasibada ka dhacdey Burco  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminayay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo taageerayaal aad u tiro badan ,ugu horayntiina waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada ee Xisbiga UCID Md. Siciida Axmed Maxamed ,gudoomiaha gobolka ee Xisbiga UCID mudane Cismaan Ibraahin Nuur "Cismaan Afgaab" , DR: C/raxmaan  Axmed Raage , gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga UCID mudane Aadan Mirre Waqaf , Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge iyo musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Eng. Faysal Cali Xuseen "Waraabe" iyo masuuliyiin kale , iyaga oo dhammaantood ka hadlayay wax qabad la,aanta Xisbiga talada haya ee UDUB iyo barnaamijyada ay ugu tal galeen inay qabanayaan haddii ay doorashada ku guulaystaan.Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweynaha Faysal  Cali Waraabe  waxaanu soo bandhigay taariikh kooban oo kusaabasan is bedelkii xiligii guumaysiga kadib , sidoo kalena soo bandhigay barnaamijyaddii ay ugu talagaleen inay dadweynaha taagerayasha u soo bandhigaan taasoo ah wax qabadyada ay qaban doonaan ,isla mar ahaantaa waxa uu ku dhawaaqay Faysal Cali Waraabe" inay ku xukumi doonaan  sharciga diinta iyo Kitaabka Kariimka ah ,inay horumarindoonan waxbarashada , goobaha caafimaadka  iyo xidhiidhka wadammada deriska ah.
 
< Prev   Next >