Duqa Hargeysa iyo Xildhibaano ka Hadley Dhismaha waddada Sheekh madar oo Kulmiye sheegtey inuu dhiga Print E-mail
Written by Cabdirashiid Axmed   
Friday, 18 June 2010
Masuuliyiita dawlada hoose ee Hargeysa yaa maanta si kulul uga hadlay wado uu sheegtay inuu  dhagax dhigay xisbiga kulmiye, taasi oo ku taala xaafadda sheeekh madar ee magaalada Hargaysa .Shirjaraaid oo ay arrintaasi kaga hadleen ayaa ugu horeyntii Xasan Xeydh yidhi, “ waxaan ayaan daro ah in hawl ay dawlada hoose qabatay ay yidhaahdaan anaga qabanay waxan maalin dhawayd halkan isku sawiray nin la yidhi nac nac oo u dhashay Hargeysa oo yidhi anaga ayaa dhisay waxba kama jiraan ayaan leeyaha, lacagta lagu dhisayo waxa bixiyey Madaxweyne ku xigeenka, waana ayaandaro in bulshada been loo sheego.Waxaan halkan isaga soo istaagay Nacnac iyo guddomiyaha u qaabilsan Kulmiye ee Hargeysa oo yidhi waxaanu samaynaynaa wadadii sheekhul baladka, waxaan leeyahay wadada sheekhu u baahna inaad samaysaan, wadadana sheekhu maleh ee waa loogu magacdaray, waxaan leeyahay nacnacow halkani kaaga baahna ee kuwii ku so doortay wax u qabo”Xoghayaha dawlada hoose “ waxa weeyaan wadadani waa wadadii sheikh madar, waxayna miisaaniyada ku jirtay sanad ka hor horana waxaanu media uga sheegnay.Markii aanu wadadii dhagax dhignay ee aanu daamirkii soo iibinay  ayaa warbaahinta ka maqalnay iyagoo leh waxaanu dhagax dhigaynaa wadada sheikh madar.Maahana in aad masuuliyiin qaran aad ku ceebayso haddii uu Madaxweyne ku xigeenka ka xishooday in uu wadadiisa dhisto oo uu taadada dhisay inaad ku amaanto ayey ahayd.Masuuliyiinta aad tidhi halkan ayey galaan aniga ku jirta oo aad ka tagtay, guddoomiyaha gala, guddoomiyihi hore ee Cali Asad ayaa gala, markaa hore ayey qorshaha noogu jirtay waxa meesha jooga dadkii kharashka bixiyey, waxa isaguna kharashka bixiyey Madaxweyne ku xigeenka anaga badh ku darnay marka maaha wax aydaan lahayn in aad sheegataan”Maayarka magaalada Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuud Jaciir “ wadadani waxay qorshaha noogu jirtay in aanu dhisno oo aanu laami ka dhigno, wadadan laamiga laga dhigayo inteedii hore waxaa bixiyey Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, dawlada hoosa ayuu yaalaa daamburkii oo waad arki kartaan, marka wadadan waxa aanu ka dhigayna laami.Waxaan layaabay laba nin oo sheegtay wadan inay dhisayaa waa xildhibaan Nacnac iyo guddoomiyaha kulmiye ee Xamarji, wax lala yaabo weeyi beenta intaa leeg ee raadkaa leh, marka horta Xamarji la hadli karimaayo isagu lacagba ma haystee, laakiin Nacnac lacag buu leeyahay oo wadada hora inkasto uu wax ku daray hadana waxa dhiman 400M marka haddii uu wax dhisayo intaas uun ha dhiso oo uu taas dhameeyo, inta mid la dhisayo oo dawlada hoose waddo is dul taagayaan.Haddii ay doonaya wax ay dhisaan wadada daami ha dhisaan iyadaa u baahan in la dhise ah inta mid la wado ku magacdooranayaan. marka ololaha wax run ah yaa lagu galaHaddii ay yidhaahdaan intaas ayaanu lacag haynaa ee wadada ku dhisa anaguna inta ka dhiman ayaanu ku darayna haddii ay yidhaahdaan 10,000 dollar ayaanu hayna anagu waanu ku darayna waayo kolba qolooyinka diyaar ah ayaanu wax ugu darna.Imika wadada boqol iyo kontanka waxay keensadeen laba boqol iyo dheereed foosto oo daambur ah ayaa dakada uga soo dakaya, waxay dhisayaan Cabaaye ilaa mansor marka iyagaanu ku horayna kolba qolooyinka diyaarka ah ayaanu la wadaynaa”Dhinaca kale waxa ay dawlada hoose iyo mulkiilaha hotelka Mansor ay wada fureen waddo cusub oo hor marta hoteelka, waxaana xadhiga ka jaray maayarka dawlaeda hoose Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir waxaana ka mid ahaa hadaladiisa  “waxaynu furayna maanta waddada ka soo leexada jig jiga yar ee hor marta hoteelka weyn ee Maasnoor, oo qayb weyn ka qaatay mulkiilaha hotelka Cabdiqaadir Xaashi, anaguna aanu wax ku darnay sida qalabka, jayga iyo shidaalka ku baxaya, wadooyinka kharash badan ayaa ku baxa, hoteelku waxa uu bixiyey $13,000, anaguna waxaanu ku darnay 7,650 ayaa dawlada hoosana kaga baxay.Marka waxaad aragta in bilicdii hoteelka kor u qaaday, mulkiilaha hoteelku uu aad ugu mahadsan yahay maadaama ay ahayd shaqadii dawlada hoose, dhaqaale la’aanta dawlada hoose wuu ku mahadsan yahay in uu qaybta laxaadka leh uu kaga qaybqaato dhisida wadada, cidii waddo hor marta tidhaa waanu samaynaya anaguna wax baanu ugu darta oo culayskii ayey naga qaadaa, waxaana ka mid ah tii sheikh madar ee aynu hadda soo marnay oo shantii kun ee ugu horeeyey uu madaxweynuhu bixiyey.Waxa iyaduna qaali garoobay daamurkii oo hore la nagaga siin jiray $70, marna $110 imikana waxa uu maraya 165 ayaa foostadii oo imika daamurkan lagu sameeyey wadada ayaa la nagaga siiyey intaas, taasina waxay niyad jab ku tahay dadkii ka qaybqaadan jiray dhisida wadooyinka.Cabdiqaadir Xaashi  oo ah mulkiilaha hotel Mansor waxa uu yidhi “ maanta waa ilaahay mahadii haddii jidkani inoo samaymay dawlada hoosana aad ayaan ugu mahadnaqaynaa.Waxaan dadweynaha ugu bushaaraynayaa in uu Maansoor uu maanta waddo hool weyn oo 3000 oo qof qaada oo aan mar dambe la is cidhiidhyin”Xild: Cabdiqaadir Jirde “ waxaan marka hore aad ugu mahadnaqayaa Cabdiqaadir Xaashi oo ah ragii ugu horeeyey ee Somaliland maalgalinta galiyey dadaalkaa dheer ee uu muujiyey iyo fursada uu sameeyey isagoo la kaashanaya dawlada hoose.Waxa iyagu amaan mudan barnaamijkan la isla kaashanayo ee dawlada hoose iyo dadweynuhu isla kaashanaya, waa wax lagu daydo waa faa’idada kaliya ee la hayo ee wax lagu qabsan karo, dawlada hoosana aad iyo aad ayey ugu mahadsan tahay bilowgaa ay la timid”Xoghayaha dawlada hoose Wayrax oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu yidhi  “ haddii ay dadweynuhu iskaashadaan oo ay lacag iska soo ururiyaan anagu boqolkii toddobaan ayaanu ugu daraynaa, 30% haddii ay soo helaan 70% ayey dawlada hoose ugu daraysaa.Waxaana ula jeednaa marka ay dadku galiyaan lacagtooda wadadii ayey ilaashana ma ogolaanayaan in wax loo dhimo, marka in la burburiyo ma ogolaanayo ilayn lacag baa ka gashee.Haddii ay dawlada hoose wada bixiso sida GT-da ( gaadiidka dawlada) loola dhaqmo ayey iska noqonaysa marka sidaas ayaanu dadweynaha contribution ka ugu xidhnay. . 
 
< Prev   Next >