|
Warsaxaafadeed Ka soo Baxay Xisbiga UDUB uu ku Eedaynayo Kulmiye Inuu Sameeyey Ku Shubasho Caam ah |
|
|
|
Written by Hormoodnews.com
|
|
Thursday, 01 July 2010 |
Hargaysa(Hormoodnews) Warsaxaafadeedkii oo tafatirana waxa uu u qornaa sidan:-Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbigaS/land.
waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku
shubasho caam ah taas oo ka dhacday
gobolada M.jeex degamadiisa Gabilay
gobolka Togdheer qaybtiisa bari
iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar'adag gobalka sool
degmadiisa caynabo iyo goobo ka mida
degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Hadaba Waxaanu soo jeedinaynaa in sida
xeerku qeexayo aanay
soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka
qaranka.
Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed
kani yahay in KDQ aanu soo saarin
natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta
duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin
Allaa mahad leh
Jaamac Yaasin Faarax
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB
Xisbiga Kulmiye ilaa hada eedayntan loo soo jeediyey muu baynin.
|