Markii kowaad, Maxkamadda Sare oo Ku Dhawaaqda Garsoor Xor iyo Xalaal ah Print E-mail
Written by Qalinkii: Xasan Cumar Hoori.   
Sunday, 11 July 2010
Maalinta, Axad 12/07/2010 ayaa markii ugu horraysay, Maxkamadda Sare ku dhawaaqaysaa garsoor xor iyo xalaal ah. Go’aanka Maxkamadda Sare waxaa lagu ansaxin doonaa natiijada doorashadii dalka ka qabsoontay 26 June 2010, kaasoo xor iyo xalaal ka ahaan doona faragelintii Madaxweyne Rayaale. Haddaba, sida ku kaydsan sooyalka taariikheed, waxaa aan la hilmaami doonin faragelintii qaawanayd iyo saamaynta uu Madaxweyne Rayaale ku lahaa dhammaan go’aamadii hore ee Maxkamadda Sare.<!--[if !supportLists]-->1. GO’AANKII MAXKAMDDA SARE EE DOORASHADA MADAXTOOYO 2003<!--[endif]-->Dhawaaqan xorta iyo xalaasha ah ee maanta ka soo bixi doona Maxkamadda Sare waxaa ka horreeyey go’aankii fartu ku godnayd ee ku taariikhaysnaa 11/05/2003 kaasoo maxkamaddu ku meelmarisay cidda ku guulaysatay doorashadii madaxtooyada ee 2003. Gunaanadka goa’aanka Maxkamadda Sare waxa uu u dhignaa sidatan:Sidaa darteed, Maxkamaddu waxa ay soo saartay qaraarkan hoos ku qoran:1. In saddexda xisbi ee kala ah KULMIYE, UCID, UDUB, oo u tartamayay doorashadiiMadaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo qabsoontay14/04/2003, uu mid waliba tirada codadka guud ahaan doorashada ka helay ay yihiin:A. Xisbiga UDUB: 205,590 (Laba boqol iyo shan kun iyo shan boqol iyo sagaashan) cod.B. Xisbiga KULMIYE: 205,373 ( Laba boqol iyo shan kun saddex boqol iyo saddex iyotoddobaatan ) oo codC. Xisbiga UCID: 77,160 cod (Toddoba iyo toddobaatan kun boqol iyo lixdan) cod.2. In tartankii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay ku guulaysteen murashixiinta xisbiga UDUB oo kala ah: 1. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha. 2. Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenka.3. Muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku waa shan sanno oo kabilaabmaysa maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku cad qodobka 88aad ee DistoorkaJamhuuriyadda Somaliland xubintiisa 1aad.4. Qaraarkani waxa uu soo baxay 11/05/2003.Waxaana saxiixay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare:1. Siciid Faarax Axmed, Guddoomiye, 2. Cabdiraxmaan Yuusuf Cayuun, Xubin, 3. Sheekh Cali Cabdi Guuleed, Xubin, 4. Cismaan Ismaaciil Axmed, Xubin, 5. Maxamed Cumar Geelle, Xubin, 6. Yaasiin Xasan Ismaaciil, Xubin, 7. Cabdi Cilmi Xaadir, Xubin.Run ahaantii go’aanku waxaa uu ahaa mid baalmarsan natiijadii Komishanka Doorashada oo isagu tilmaamayey in xisbiga talada hayaa, UDUB, ku guulaystay tiro 80 cod oo dheeraad ah, isla markaana, Komishanku waxa uu maxkamadda soo hor dhigay sanduuqa degaanka Balli Callanle kaasoo ay suurtageli weyday in la furo kadib markii ay is hor taageen madaxda xisbiga UDUB oo adeegsanaya ciidamo hubaysan. Sanduuqa oo lagu furi kari waayey degaanka Balli Callanle iyo magaalada madaxda Gobolka.Togdheer, Burco, ugu danbayntii waxaa uu si nabad ah ku soo gaadhay Hargeysa iyo gacanta Komishanka Doorashooyinka. Sanduuqa waxa la filayay ugu yaraan 700 {Toddoba Boqol} oo cod in uu ka heli karo xisbiga Kulmiye taasoo hubaal dhinaca kale u rogi lahayd natiijada doorashada.2. GO’AANKII MAKAMADDA DASTUURIGA EE KU SAABSANAYA XEERKII DOORASHADA GOLAHA WAKIILADAWarqadda summadeedu tahay MS/DD/01/05 kuna taariikhaysan 26/02/05.Markan Maxkamadda Sare oo soo xidhatay shaadhka Maxkamadd Dastuuriga waxaa ay go’aamisay1. Waxaa Maxkamadda u cadaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad eeXeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyocarqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaadarteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee No. 20 2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee looga maarmi waayo doorashada Madaxtooyada iyo socodsiinta hawsha doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lam.20/2001.2. Xeer No. 20 2/2005 marka laga reebo Qodobada la laalay waxa si toos ah loogudhaqmayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha JSL.<!--[if !supportLists]-->2. Go’aanku waxa uu soo baxay 26/02/05, waxaana saxiixay <!--[endif]-->GARSOORAYAAL<!--[if !supportLists]-->1. Faysal Xaaji Jaamac Geeddi Guddoomiye, 2. Maxamuud Xirsi Faarax Xubin, 3. Sh. Cali Cabdi Guuleed Xubin, 4. Yaasiin Xasan Ismaaciil Xubin, 5. Cabdi Cilmi Xasan Xubin, 6. Cismaan Ismaaciil Axmed Xubin, 7. Maxamed Cumar Geelle Xubin.<!--[endif]-->3. GO’AANKII MAXKAMADA DISTOORIGA AH EE KU SAABSANAA MURANKA MAGACAABISTA GUDIGA DOORASHOOYINKA 2007.Warqadda summad MS/DD/02/07 ee ku taariikhaysan 6/05/07, go’aanka Maxkamadda Sare waxa uu u dhignaa sidatan:“Iyadoo Maxkamaddau aqoonsantahay qoraaladii Dacwad furashada iyo jawaabcelintoodiiba, markay dhagaysatay doodihii iyo difaacyadii labada dhinacba, wixii qoraalocadayna ah ama qiraal Maxkamadda horteeda yimi waxay Go’aamisay:1. Inuu yahay Go’aanka Celinta Lixda (6) xubnood ee Madaxwaynuhu KomishankaCusub u soo magacaabay mid la buriyey oo khilaafsan Qodobada 11ad 12ad XeerLr.20/2001, asbaab iyo Qodobo sharci kalena looma cuskan.2. Waxay Maxkamaddu go’aamisay in dib loogu celiyo Golaha wakiilada lixda (6)Xubnood ee Komishanka Madaxweynuhu soo magacaabay iyada oo xisbiyadaMucaaradkuna soo buuxinayaan xubinta ka dhiman, xubin kastana lagu anxixiyo shuruudaku xusan Qod 12ad Xeer Lr. 20/2001 oo qudha, qof kastana loogu codeeyo.3. Waxay Maxkamaddu burisay Go’aankii Golaha Wakiilada ee muddo kordhintakomishanka hore ee xilgiisii dhammaaday.Go’aanku waxa uu dhacay 6/05/07, waxaana saxiixay Garsoorayaasha Maxkamdda Sare1. Mohmaed Xirsi Ismaciil Guddoomiye, 2. Cabdi Cilmi Xasan Xubin, 3. Moxamed Cumar Geele Xubin, 4. Moxamuud Xirsi Faarax Xubin, 5. Cismaan Ismaciil Axmed Xubin, 6. Moxamed Cabdi Naaleeye Xubin, 7. Yaasiin Xasan Ismaaciil XubinF.G: Go’aanka oo Faahfaahsan1 Dib ayaa la idinka siinayaa.”4. GO’AANKII MAXKAMADDA SARE EE MUDDO KORDHINTA GOLAHA GUURTIDA10kii subaxnimo, 24kii April 2006, Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah waxay yeealatay fadhi buuxa kasoo looga doodayey warqad uu u soo gudbiyey Madaxweyne Daahir Rayaale isagoo qiil u raadinayey muddo kordhinta Golaha Guurtida oo xilligoodu gabaabsi ahaa. Madaxweynahu waxaa uu codsaday talo bixin sharci iyo fasiraad qodob dastuuri ah. Sidaa darteed, go’aanka Maxkamadda Sare waxaa uu si indho la’aan ah u taageray qoraalkii Madaxweynaha iyada oo maxkamadda laga rabay in ay noqoto halka ugu danbaysa ee go’aan ka soo baxo.“Maxkamadda Sare ee JSL, markay aragtay: Warqadii Codsiga ahayd ee Madaxweynaha JSL ee 22/04/2006; Markay Aragtay: Qodobka 98-aad farqadiisa 1-aad ee Maxamadda Sare awood gaar ah u siinaya fasiraada macnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka dega dega ah, iyadoo la raacayo Dastuurka; ……….Markay u Sugnaatay: Inay Jiraan duruufaha adag ee aan kor ku soo sheegnay suura galna aan ka dhigayn inay qabsoonto doorashadii Golaha Guurtida JSL, waxay talo bixin sharci ku soo jeedinaysaa “In dib u dhigista doorashada golaha Guurtida ay tahay mid sharciga waafaqsan soo jeedinteedana xukuumaddu leedahay, go’aan ka gaadhistana Golaha Guurtidu leeyahay sidii caadiga dalkan u ahayd, iyadoo halkaa looga qiyaas qaadanayo sida uu qeexayo nuxur ahaan iyo macnawiyan Qodobka 42-aad ee Dastuurka JSL oo lagu soo dhaqmayey sannado dhawr ah”..
<!--[if !supportLineBreakNewLine]-->
<!--[endif]-->
Golaha Guurtida oo ka faa’iidaysanaya go’aanka Maxkamadda Sare ayaa fadhi ay ku kulmeen 6/5/06 waxaa ay ku ansixiyeen soo jeedinta Madaxweynaha ee muddo kordhinta Guurtida. Golaha oo ay fadhiyeen maalintaa 70 mudane ayaa 66 mudane ogolaadeen Mooshinka Muddo kordhinta , 3 mudane ayaa diiday, gudoomiyuhuna ma uu codayn. Waxaa xusid mudan Golaha Guurtidu in ay gudeen abaalkii uu u galay Madaxweynahu iyagoo, sidoo kale, Madaxweyne Rayaale, sifo sharcidarro ah, kursiga ugu sii hayey muuddo u dhiganta intee uu u kordhiyey.Haddaba, iyada oo garsoorku yahay halbawlaha uu ka dhismo dalku iyo barta naafaysay qarankeenna, xukuumadda la doortay waxaa la gudboon in ay soo dhisto Garsoor madaxbannaan hawlwadeenna ay ka yahiin dad u ehel ah laguna soo xulo aqoon, waayo aragnimo iyo hufnaan. Waxaan Allah ka baryeynaa maalmahii madowbaa ee garta qalloocday in ay ku soo afmeermaan codka xaqa iyo xalaasha ee manta ka soo yeedhi doona Maxkamadda Sare.Qalinkii: Xasan Cumar Hoori.
 
< Prev   Next >