11 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Al-shabaab La Beegsatay Huteel Ku Yaalla Muqdisho Caawa

Muqdisho (HMN) – Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Caawa.

 

Booliska ayaa sheegay in baabuur lagu soo raray walxaha qaraxaa uu duqeeyey albaabka laga galo hudheel ku yaalla badhtamaha magaalada oo la yidhaahdo Posh Treats.

Ilaalada hudheelka ayaa iyaguna rasaas furay qaraxa ka dib, qof goob jooga ayaa isna sheegay inuu arkay dhawr mayd oo goobta yaal.

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu weerarkaa qaadeen, ayna sidoo kale galeen makhaayada Pizza House.

 

Wararka ayaa sheegaya in weli rasaas laga maqlayo aaggaasi.

 

Kooxdu waxay bilihii u dambeeyay qaaday olole qaraxyo is miidaamin ah oo ay la beegsanayso goobo ku yaal Muqdisho iyo qaybo kale oo Soomaaliya ka mid ah.

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.