26 hablo dhalin Yaro Ah Oo Laga Helay Maydkooda Bada U Dhaxaysa Dalalka Liibiya Iyo Talyaaniga.

Italy(HMN) in ka badan 2600 oo qof ayaa laga badbaadiyay bada loo yaqaano  Mediterranean Sea wiigii iminka na dhaafay kasoo noqonaya bay yidhaadeen dadka bada baadhayey wiigii ugu hawsha badnaa uguna adkaa  ee soo mara.

Afar iyo Sodon qof ayaa laga helay maydkooda Badda, halka ay 26 qof yihiin hablo dhalin yaro ah oo loo malaynayo inay ka soo jeedaan dalka Nayjeeriya (Nigeria).

Hayadda loo yaqaano IOM(the International Organization for Migration) ayaa waxa ay aaminsan tahay in hablahan ay dileen naaquudayaashii waday oo xidhiidh la leh kuwa habalaha jidhkooda  ka ganacsada ee ku nool qaarada Yurub.

Badan u dhaxaysa  dalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxa isku daya inay ka tahriibaan  dad badan oo ka soo kala jeeda qaarada Afrika haba ugu sii badnaadaan dadka Soomaalidu aslakoodu yahay  oo inbadan ilaa hadda ay la yihiin waalidiintooda halkay ku danbeeyeen.

Hormoodnews/News Desk.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.