Agaasime-Waaxeed Ka Guri Qurux Badan Wasiirka Dalkeenaa Laga Helaa

Hargaysa (HN): Marba arrinta cusub ayaa la falanqeeyaa oo laga doodda, maalmahan dooddu waxay taagan tahay golaha cusub ee madaxweynaha cusub u soo xushay.

Waxay  ahayd madal lagu caweeyo waxaan la fadhiistay dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka sheekaynayey wasiiradan cusub, nin waliba hebelka uu yaqaanay ayuu badka soo dhigay oo uu aqoontiisa.

Waayo  aragnimadiisa iyo taariikhdiisa ka falanqaynayey, qaarna waa la soo dhoweynayey oo waxay lahaayeen hebel wuu asiibay madaxweynuhu, qaar kalena way dhaliilayeen.

Xubnaha  aadka loo soo dhoweeyey waxa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka Xanaanadda xoolaha, wasiirka Isgaadhsiinta, wasiirka warfaafinta, wasiirka Qorsheynta iyo xubno kale.

haseyeeshee waxa isoo jiitay oo aan jeclaaday inaan dadka la wadaago wiil sidan ku dooday “Hebel wuxuu ahaan jirey agaasime waaxeed wuxuuna ka guri qurux badnaa wasiir ay jaar yihiin oo isna markaa wasiir ahaa.

Kadib-na wasiirkii ayey eheladiisii la yaabeen oo ay ku yidhaahdeen inankii yaraa ee agaasime waaxeedka ahaa ayaa ka guri weyn adiguna gurigan yar baad ku qanacsan tahay”.

Calashaan wasiirkaasi aad buu isku dhowrayey oo uu is ilaalinayey hadii uu hal guri ka dhistay xoolihii umadda ee uu hayey.

Laakiin,  markuu  arko agaasimo waaxeed guryo dhisanaya soo isna magaalooyin dhisan maayo ilayn hadii kale waa lagu caayi oo la odhan doonnaa intii uu xukuumada ku jiray waxba kama tabcan oo waa nin jilicsan, inta uu jileec ka cararayo ayuu hanti badan ka urursanayaa, dadkaana ugu wacan.

By: Weriye Barkhad-ladiif Maxamuud Cumar

Hargaysa Somaliland

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.