Amiir Mohammed bin Salman Oo Ku Dayanaya Ama Maraya Wadadii Putinka Dalka Ruushka.

Riyadh(HMN) Amiirka Dalka Sucuudiga ee magaciisa la yiraahdo Mohammed bin Salman ayaa waxa uu amray inuu la baabiiyo musuq maasuqa dalkiisa ka jira .

Mohammed bin Salman ayaa waxa uu sheegay inuu go’aansadey inuu la dagaalamo oo uu dib u habayn ku sameeyo wadankiisa, waxna ka badelo sharciyada ad adag ee uu wadankiisu leeyahay kana dhigo wadan casriya oo aan ku xidhnay dhaqaalihiisu saliidada waasiduu hadalka u dhigaye.

Aabihii King Salman bin Abdulaziz oo ah Boqorka Sucuudiga ayaa waxa uu inankiisa oo 32jir ah uu siinayey awoodo dheeraad ah sadexdii sano ee la soo dhaafay. Awoodahan uu inankan 32 jirka helay ayaa waxa ay keentay inuu dagaal laga galo dalka ay jaarka yihiin ee Yemen iyo inuu dumarka Sucuudiga u fasaxo inay gaadhi kaxayn karaan isagoo ka shiidaal qaadanaya dawladaha reer galbeedka ah.

Amiir Maxamed ayaa awoodiisu kor u kacday oo awood dheeraad ah helay,ka dib markii uu aabihii oo ahaa Boqor Salman uu ku bedelay inaadeerkii Mohammed bin Nayef oo isagu lahaa dhaxalka wadanka iyadoo lagu eedeeyey inuu ahaa nin ay dishay daroogadu oo aan awood uu wax ku qabto lahayn oo uu wadanaka u soo jiidayo dhibaato waa hadalka uu ku doodayo Boqor Salman,laakiin ilaa hadda wax hadalkaa cadeeya lama hayo.

Ugu danbayntii madaxweynaha dalka Ruushka mudane Putin ayaa isagu waxa uu iska foogeeyey markii uu xukunka qabsanayey dadkii uu markaa isalahaaaa ama  ka baqanayey ee dhaqaalaha haystay inaylid ku noqdaan xukunkiisa kuwaasoo qaarna uu xidhxhidhay qaarna ay ka baxsadeen wadanka isagoo ku eedeenayey inay wadanka dhacaan, waa  sida uu iminka wado Amiir Maxamed Bin Salman oo kale.

Amiir Mohamed Bin salman ayaa xoojiyey ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa wadankiisa ka jira waa sida uu Mudane Putinka Ruushka  sameeyey, waxana uu xidhxidhay Amiir Maxamed, 11  amiir oo ka tirsanaa cayliyada boqortooyada dalka Sucuudiga oo uu ku eedeeyey inay wadeen musuqmaasuq wiigii iminka ina dhaafay, suaasha meesha taalaa waxa ay tahay maadaama uu Sucuudiga dadkiisu yihiin qabiilo isu tagay ,oo aanu ahayn sida shacabka Ruushka oo aan garanayn reerka dariskooda ah ee ku dhegan, ma ku guulaysan doonaa arintan uu ku soo kordhiyey dalka Sucuudiga, mise Sucuudiga oo cadaw badan leh ayuu u fududayn doonaa cadawgii inta badan sugayay sidii ku dhacday madaweynhihii dalka Ciraaq ee la daldalay Mudane Sadam Huseen. ?.

 

Hormoodnews/News desk.

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.