Booliska Sool Oo Gacanta Ku Dhigay 2 Nin Oo Ku Eedaysan Dilka Nin Ganacsade ahaa

Laascaanood (HMN): Taliska qaybta booliska ee gobolka Sool oo kaashanaya ciidamadda milateriga  ayaa gacanta ku soo dhigay 2 nin oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilka nin ganacsade ahaa oo todobaadkan  lagu dilay magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, ayaa sheegay hawl gal balaadhan oo socday 4 maalmood  oo ay ciidamadda booliska iyo kuwa milateriga gobolkaasi ku raadinayeen eedaysaneyaashaasi  loo aanaynayay dilka ganacsadahaasi in  aakhirkii lagu guulaystay soo qabashadoodda.

Labadda nin oo  maanta  gelinkii danbe  ay soo qabteen boolisku ayaa ku eedaysan in ay gaysteen dilka nin ganacsade ahaa   oo    magaciisa la odhan jiray  marxuum C/naasir Cumar Shaacuur oo  habeenkii Sabtidu soo gelaysay ee todobaadkan   lagu dilay magaaladda Laascaanood.

Eedaysaneyaashan ayaa la sheegay in kadib markii ay dilka gaysteen in ay magaaladda Laascaanood uga baxsadeen dhinaca dhulka baadiyaha ah, halkaasoo ay maalmihii u danbeeyay ku dhuumaalaysanayeen.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir,  oo ka warbixinayay hawl galkaasi lagu soo qabtay labadda eedaysane iyo mudadii uu qaatay, waxaanu  yidhi “Hawl galkii 4-ta maalmood socday ee ay hormoodka u ahaayeen ciidanka booliska oo kaashanayay ciidamadda qaranka, in uu soo gebagaboobay galabta.

Waxaan u  mahad celinayaa saraakiisha iyo ciidamadda hogaaminayay hawl galkaasi lagu raadinayay nimankii dilka u gaystay 15-kii bishan ku dilay magaaladan Laascaanood, ganacsade C/naasir Cumar Shaacuur”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool  ayaa madaxweynaha cusub iyo bahda cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland ka codsaday in si dhakhso ah eedaysaneyaashan sharciga loo hor geeyo.

 

Hormoodnews/Laascaanood Somaliland

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.