Cabashadii Naafadu Waxay Cadaysay Hirgelin La’aanta Xeerkii Madaxweyne Siilaanyo Soo Saaray

Hargaysa (HMN): Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo mudadda 7 sanadood ah ee xukunka dalka hayay waxa uu soo saaray xeerar kala duwan oo uu digreeto madaxweyne ku soo saaray, balse madhalays noqday.

Xeerarkaasi oo aad u tirro badnaa ayaanay intoodda badani hirgelin ama dhaqan gal noqon, inkastoo ay ku kala duwan yihiin sababaha ay u hirgeli waayeen iyo caqabadaha ka hor yimid in ay shaqeeyaan.

 Waxaana jirtay in xeerarkaasi  qaarkood ay muhiim u lahaayeen guud ahaanba qaranka Somaliland iyo bulshadaba, hadii aan dib u milicsano waxaanan  ka soo qaadan  karnaa xeerka adeega naafadda ee dhismeyaasha oo uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray 14-kii bishii January ee sanadkii 2014-kii.

Xeerka  adeega naafadda ee dhismeyaasha ayaa  markii uu soo saaray madaxweyne   Siilaanyo loo arkayay mid baahi weyn  ay u qabeen dhaqan gelintiisa dadka naafadda ka ah lugaha, iyadoo si aad bulshadda looga dhex dareemo dhibaatadda ay arrintaasi ku qabaan.

Hadii ay noqoto  dhismeyaasha dalka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba  oo aan wax qorshe ah loogu tallo gelin marka la dhisayo. Waxaana shalay oo  u danbaysay soo shaac baxday  in aanay weli dadka naafadda ah helin xuquuqdoodii ahayd in xukuumadda siiso.

  Shalay  oo taariikhdu ku beegnayd 3-da bisha December  wadamo badan oo caalamka ah waxa laga xusaa  maalinta naafadda aduunka, hase yeeshee xuskii shalay ee lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa hadheeyay  mudaharaad iyo cabasho ay sameeyeen dadka naafadda ah.

Kuwaasoo sheegay in aanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadihii ka horeeyayba waxba u qaban dadka naafadda ah, isla markaana ay haystaan dhibaatooyin kala gedisan oo duruufo nololeed ah.

Arrintaasi oo si cad u muujisay in aanu waxba ka bedelin nolosha dadka naafadda ah dhaqan gal la’aanta xeerkii naafadda ee madaxweyne Siilaanyo soo saaray horaantii sanadkii 2014-kii.  Kaasoo hal bacaad lagu lisay noqday.

Xeerkaasi  waxyaabihii uu berigaas madaxweyne Siilaanyo  u cuskaday soo saaristiisa waxaa ka mid ahaa: “Markuu Arkay: In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan,

Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan xarumaha Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo iyo dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay,

Markuu Arkay: Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa”.

Wuxuu soo saaray:Qodobka (1)aad: Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay

1. In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.

2. In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)”.

Sidoo kale waxa  uu madaxweyne Siilaanyo ku faahfaahiyay xeerkaasi wasaaradaha iyo hay’adaha kale eel eh fulintiisa iyo wakhtiga uu dhaqan gal noqonayo.   “Fulinta xeerka:  Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.

Qodobka (3)aad Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa: Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.”.

Ugu danbayn, xeerkan oo keliya ma aha xeerarka  aanay waxba ka hirgelin ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray intii uu talladda dalka hayay, hase yeeshee waxaanay marnaba bulshadda reer Somaliland is waydiinin waxa sababay in ay shaqayn waayaan ama hirgeli waayaan.

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.