Dawlada Ruushka Oo Ku Hanjabtay Inay Xakamayn Doonto warbaahinta Maraykanka Ee Ruushka Jooga.

Moscow(HMN) Dawlada Ruushka ayaa sheegtay inay xakamayn doonto warbaahinta Maraykanka ee ka hawlgahsa dalkooda haddii  aan cadaadiska laga dayn  telefishanka RT loo yaqaano ee uu Ruushku leeyahay oo ka hawlgala dalka Maraykanka.

Saraakiil ka tirsan dawlada Ruushka ayaa ku eedeeyey in ay Washington ay ku hayso cadaadis aan loo baahnayn TVga loo yaqaano RT oo ka hawlaga wadanka Maraykanka.

Saraakiisha sirdoonka ee dawlada Maraykanka ayaa iyagu ku eedeysay telefishanka Rt oo ay sida ay sheegeen laga maal galiyo aqalka cas ee Ruushka  inuu faragalin ku sameeyey doorashadii madaxweyninimada ee dalkan Maraykanka, laakiinse telefishanka RT gu  iyo saraakiisha Ruushku waa ay diideen arintaasi.

 

Hormoodnews

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.