Dawlada Sucuudiga Oo Ku Amartay Shacbigoodu Inay Dalka Lubnaan Uga Baxaan Si Dhakhso Ah .

Lubnaan(HMN) Dawlada Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa ku amartay muwaadiniintiita ku nool dalka Lubnaan inay si deg deg ah ugu soo noqdaan dalkooda.

” Xaaladaha  ka jira dalka Lubnaan, boqortooyada Sucuudigu waxa ay dadkeeda Sucuudiga ee  ku nool ama booqanaya dalka Lubnaan  u sheegaysaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.”, warkan waxa laga soo xigtay wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga.

Hadalkan ayaa soo baxay maalmo yar ka dib markii Ra’iisal wasaarahii dalkaasi Lubnaan  Saad Harir uu is casilay isagoo shaqo ku jooga wadanka Khaliijka.

 

Hormoodnews/News Desk.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.