Dawladaha Iimaaratiska Oo U Baahan Gaaska Dabiiciga Ah Ee Dawalada Qatar.

Doha(HMN) Dawladaha Iimaraatiska ayaa  ku biirtay dawalada Sucuudiga Careebiya iyagoo dhamaanba  u jaray  xidhiidhka  dhinaca bada, hawada iyo dhulka dawalada Doha  maalinimadii isniinta ahayd iyagoo ku eedeeyey inay argagixisada taageerto.

Hase yeeshee dawaladaha Iimaaratiska ayaa iyadu u baahan ama ku xiran  oo aan ka maarmin gaaska laga keeno dawalada Qatar iydoo  ku shida  kala badh dabka ama korontada wadankaasi(Iimaraatisku) leeyahay .

Haddii ay dawalada Qatar ka joojiso gaaska dalka Iimaaratiska waxaa koronto la aan ay ku dhacaysaa oo madoobaanaya daaraha dhaadheer ee ku yaala Dubai, waxa ay ku bedeli karaan Gaaska Qatar mid ka qaalisan kan hada ay helayaan.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaado  xaga gaaska dabiiciga ah dawladaha Iimaraatiska ayaa aad ugu  baahan dawlada Qatar.

Sida la sheegayo Gaaska dabiiciga ah ee ka yimaada dawalada Qatar oo ay soo qaadan dhuumo bada hoostooda mara ayaan ilaa hadda aan istaagin oo u geeya dawaladaha Iimaraatiska iyo Cuman.

 

Hormoodnews/News Desk

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.