Dhulgariir Aad U Xoogan Ayaa Ku Dhuftay Dalalka Ciraaq Iyo Iiraan.

Ciraaq(HMN) Ugu yaraan dad lagu qiyaasay 168 qof ayaa ku geeriyooday dalalka Ciraaq iyo Iiraan kadib markii uu ku dhuftay dhul gariir aad u xoog badan oo lagu qiyaasay cabirkiisa 7.3, sida ay sheegeen warbaahinta labadaasi dal.

Ugu yaraan 164 qof ayaa ku dhintay dalka Iiraan ,sida uu sheegay sarkaal sare oo magaciisa la yiraahdo  Behnam Saeedi, oo u hadlayay hay’adda lagu magacaabo Maaraynta Masiibada Qaranka, waxana kale oo uu intaa ku daray sarkaalku in ilaa 1600 Qof ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa rajaynaya in dhaawaca iyo dhimashaduba sii korodho, ka dib marka ay kooxaha samoto bixinta ay gaadhaan meelaha  fog fog ee dalka Iiraan ka tirsan.

Hormoodnews/News Desk.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.