Faalo : Kulmiye Raali gelin Maka Bixiyey Saxariirkii Bulshadu Mudatay ? W/Q: Saciid Cagjar

Hargeysa (HMN)- Todobadii Sanno iyo dheeradkii Xisbiga Kulmiye talada Dalka hayey, waxa ay shacabka Somaliland muteen noloshii ugu adkayd oo Sicir bararka xadhkaha goostay  .

Sicir bararkan dalka ku habsaday waxaa ku lamaanaday sarif barar, isna taariikhda inta la xasuusto kii ugu xumaa ee ina sooo mara ah, tan iyo rubuc qarniga ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo xileedka Kulmiye waxa qarka u saaran in ay meesha ka sii baxdo Lacagtii dalka oo ah tiir ka mida astaamaha  qaran madax banaan leeyahay .

Warbaahinta Caalamku marka ay Somaliland ka hadlayaan waxay sheegaan in ay tahay waddan leh ciidamadii kala duwanaa , lacag gaar ah iyo dawladnimo shacabku doortay ,sidaa daradeed waxaan shaki ku jirin in ay dawladda Kulmiye bahdishay meeqaamkii lacagtii ay waddanku lahayd ,

July 27-keedii sannadkii 2010-kii halka doolar waxa uu ku qiimaysnaa 6500 oo Shillinka Somaliland  ah , halka maantana uu halka doollar yahay 10500 , iyadoo dalkana uu maamulo Madaxweyne dhaqaale yahan ah.

Bishii January sannadkan sii galbanaya waxa  uu Madaxweyn Axmed Silaanyo soo saaray go’aamo lagu diirsaday oo loogu magac daray “Qorshaha degdega ah ee Xakamaynta Sicir bararka iyo Sarif bararka”.

Amarka Madaxweyne waxa uu dhigaayey  in halka doollar lagu kala sarifto 7000 oo Somaliland shilling ah , waxa kale oo ku lamaanaa,  in lacagta dalku noqoto ta keliya ee waddanka dhexdiisa wax lagu kala iibsado. haseyeeshee, awamiirtaasi waxay ku danbeeyen natiijo la’aan.

Sidaas oo ay tahay Xisbiga Kulmiye waxa uu u ordayaa in mar kale loo cumaadado hoggaanka dalka iyadoo aanney wax cudur daar ah ka bixin dhibaatada maamulkooda ka dhashay , oo cidhiidhi gelisay nolosha danyarta oo ah Mujtamaca ugu badan umadda Somaliland .

Xakamayn la’aanta Sicir bararka waxay qulub ku riday dadweynaha, waxaanay dhawaacday kalsoonida ay ku qabeen Xukumadda ay doorteen .

Waxaan maqlayey in Xisbiga Kulmiye uu dhawaan soo saaray barnaamij siyaasadeedkooda ay ku gelayaan doorashadda mudaysan dabayaaqada Sannadkan , kaas oo ka kooban todoba tiir, waxaanay codbixiyayaasha ay tahay inay  aad uga fekeraan siday ugu kalsoonan karaa inuu Xisbiga Kulmiye daweeyo dakanooyinka bulshada haysta ee muddadii la doortay ee shanta sanno ahayd iyo labadii sanno ee dheeradka ahayd ee lagu daray ay ku daweyn waayeen, waxaanay xilligan umadda mar labaad doonayaan inay ku indho sarcadiyaan dhismayaasha quruxda badan ee loo dhisay laamaha dawladda .

Waxaa is waydin leh qof aan haysan wixii uu ku noolan lahaa oo u dhaxeeya Sicir barar  iyo Sarif barar ma ku nasan karaa dhismayaal qurxoon?

 

W/Q: Wariye Saciid Faarax Cagjar

“ Saciid Faarax Cagjar Waa Saxafi ka hawl gala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Waxaa uu hadda u shaqeeya Wargeyska Dawan, waxaa uu 9 sanno ee ugu danbeeyey uu wax ku qoraayay warbaahinta kala duwan ee soomalida, waxaana uu daabacay maqaalo tiro badan oo bulshadda khuseeya “

Hargeysa/Somaliland

Email. Saciidm66@gmail.com

00252634421898

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.