Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo Meel Adag Iska Taagay Dalabka Khaatumo Ee In Dastuurka Somaliland La Furro

Laascaanood (HMN): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay wax suurtogelaya ahayn soo jeedinta maamulka Khaatumo ee ah in la furro dastuurka Somaliland si  la isugu miisaamo saami-qaybsiga kuraasta sare  ee dawladda.

Sida uu dhigayay qodob ka mid ahaa heshiiskii ay bishii 6-aad ee sanadkan magaaladda Hargaysa ku gaadheen gudiyadda wada hadaladda u qaabilsan Somaliland iyo maamulka Khaatumo, hase yeeshee guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa  cadeeyay in arrintaasi laga fiirsanayo.

Baashe Maxamed Faarax,  oo maanta khudbad u jeediyay dadweynaha tuuladda Kala-baydh ee gobolka Sool, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo socdaal ku maraya gobolkaasi.

Waxaanu  shacabka reer Laascaanood ugu bushaareeyay in laga fiirsanayo arrintaasi, kadib markii ay masuuliyiin ahaan dib isugu noqdeen in ay u soo baxday in   beesha gobolka Sool ay saami laxaad leh ku leedahay xukuumadda hadda.  “Wada hadallo ayaa u socda dawladda Somaliland  iyo maamulka Khaatumo. Khaatumo waxay codsadeen in dastuurka jamhuuriyadda Somaliland la furro.

Qollo  ayaa ila kafdantay oo waxay igu yidhaahdeen haddii aad guddoomiyihii baarlamaanka qaadateen, oo wasiirkii arrimaha gudaha qaadateen,  wasiirkii caafimaadka qaadateen, oo wasiirkii biyaha haysataan, haddii dastuurka la furro biloo daalac la idinku yeeshaa. Arrintaa  (dastuur-furista), waan ka fakaraynaa wixii maanta ka danbeeya  in aan daalac la inoo raacin, ee  taas ku bushaaraysta”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha  Wakiiladda ayaa ku tilmaamay sababta uu madaxweyne Siilaanyo wada hadaladda ula furay maamulka Khaatumo in  ay tahay isagoo  ay ka go’an tahay in uu xukunka ka tago iyadoo ay gebi ahaanba bulshadda goboladda Somaliland midaysan yihiin.

Waxaanu yidhi “Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu rabaa in uu ka tago Somaliland oo mid ah, oo walaallo ah,  oo aanay wax u dhexeeyaa jirin. Waxaynu ka wada shaqaynaynaa in aynu oofinno Cah-digaa  uu madaxweynuhu galay, ee ah in dadkan la walaaleeyo”.

Dhinaca  kale guddoomiye Baashe, ayaa kula dar-daarmay bulshadda gobolka Sool in ay codkoodda siiyaan musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, marka la gaadho doorashadda madaxtooyadda.

Waxaanu ku guubaabiyay  dadweynaha gobolkaasi in ay si weyn ugu soo baxaan qaadashadda kaadhka codbixinta, isla markaana tiradii markii hore waraaqaha qaadatay aanay imika hoos uga dhicin, isla markaana aanay dayicin fursadda ay haystaan si  ugu hiiliyaan madaxda mustaqbalka ee dalka xukumi doonta.

Isagoo  faahfaahin ka bixinayay tiradda markii hore iska diiwaangelisay degaamadda gobolka Sool, waxa uu yidhi  “Laascaanood waxaa markii hore iska diiwaangeliyay  dad tiradoodu tahay  8700 oo qof.  Degaanka Xidh-xidh waxaa iska diiwaangeliyay 3400 oo qof,   Kala-baydh waxaa iska diiwaangeliyay 4100, Karin iyo Qoriile-na waxaa iska diiwaangeliyay 3000 oo qof, meello kale oo badana way jiraan.

Waxaan marti idiinka ahay, waraaqihii aad qaadateen in aanay khasaaroobin,  oo sidii aad markii hore u aad u  qaadateen imikana  u qaadataan, taasi  Hiil ayay ii tahay ee iigu hiiliya”.

Waxaanu intaa ku daray  “Hiilka kale ee aan idiinka baahanahay waxa weeyi,  waxaa nala socda musharaxii jagadda madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, oo aan rejaynayo in uu saddex bilood dabeed fadhiisan doonno kursiga madaxweynaha.

Waxaan magan idiinka ahay in aad ii balan qaadaan xisbiga Kulmiye in aad codka siinaysaan, sidii aad hore-ba  u siiseen”ayuu yidhi Baashe.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.