Guddoomiyihii Kooxda Xidigaha Geeska Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa

Hargaysa (HMN): Guddoomiyaha koox-faneedka Xidigaha Geeska oo ka dhisan magaaladda Hargaysa abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (laab-saalax), ayaa markii u horaysay ka hadlay warka la xidhiidha in laga qaaday xilka kooxdaasi.

Kadib markii laba maalmood ka hor qoral xil ka qaadis ah  ay soo saareen qaar ka mid ah fanaaniinta  kooxda xidigaha Geeska oo ay ku sheegeen in ay xilka ka qaadeen Xasan Dhuxul, oo isagu muddo badan guddoomiye u ahaa.

Waxaanu tilmaamay  in aanu wax dhibaato ah ka qabin qoraalka  xubno ka tirsan kooxdaasi ku sheegeen in ay xilka ka qaadeen, isla markaana aanu arrinkaasi waxba ka qabin balse uu weli xubin ka sii ahaan doono kooxda xidigaha Geeska.

Xasan Laab-saalax, oo maanta magaaladda Hargaysa kula hadlay warbaahinta ayaa xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira kooxda xidigaha Geeska, isla markaana uu hore kooxda ugu sheegay in u xilka guddoomiyenimo ka tegayo sababo u gaarra awgeed.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ma jiraan wax dhibaatooyin ama khilaaf ah oo ka dhex jira kooxda xidigaha Geeska. Kooxda xidigaha Geesku mudadda 6 sanadood ah ee ay jirtay, marka laga reebo  8 bilood  guddoomiye ayaan ka ahaa.

Laba todobaad ka hor ayaan saaxiibadayda xidigaha Geeska si shaqsi shaqsi ah iyo koox ahaanba aan ugu sheegay in aanan guddoomiye ka sii ahaanaynin kooxda, hawlahayga gaark ah darteed”.

waxa kaloo uu intaa ku daray Xasan Dhuxul, in  haddii laga qaaday xilka guddoomiyenimo ee kooxda aanu waayin xubin-nimadii kooxda, isla markaana uu ka sii tirsanaan doono.  “Waan ku faraxsanahay  ninkii xilka qabta, waayo ragg iga karti badan ayaa jooga.

Xidigaha Geesku-na waa dhalinyarro hibadu midaysay, weligood-na way sii jirayaan, aniguna haddii aan xilka ka tegay kamaan tegin in aan xubin ka sii ahaado kooxda” ayuu yidhi Xasan Dhuxul.

Dhinaca kale qoraalkii ay laba maalmood ka hor soo saareen kooxda xidigaha Geeska ee ay xilka kaga qaadeen Laab-saalax, waxay kaga ahdleen sababaha ay xilka uga qaadeen kuwaasoo ay ka mid ahayd in ay ku eedeeyeen musuq maasuq, xil gudasho la’aan iyo waxyaabo kale.

Balse abwaan Laab-saalax, ayaa xil gudasho la’aanta lagu eedeeyay ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin. Waxaanu yidhi “Xil gudasho la’aanta ay sheegeen saaxiibaday, haddii ay noqotay in aan danahayga gaarka ah kaga mashquulay, taas waxay ula jeedaan anigu ma garan karro”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.