Guddiga Doorashooyinaka Oo Ku Dhawaaqay Tirada Rasmiga Ah Ee Kaadhadhka Qaadatay.

Hargaysa(HMN) Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta oo isniin ahayd ku dhawaaqay tirada rasmiga ah ee qaadatay kaadhadhka ay codbiyayyaaashu  ku codayn doonaan. Waxaanay gudidu sheegeen in tirada rasmiga ah ee qaadatay kaadhadhka codbixinta dhamaan gobolada ay ka kooban tahay Jamhuuriyada Somaliland noqonayaan 704,089. Munaasabad ay maanta qabteen guddida doorashooyinku oo ayna goob joog ka ahayeen wakiilada sadexda xisbi qaran ayey ku sheegeen tirada rasmiga ee kaadhadhka qaadatay.

Wakiilada ka kala socday sadexda xisbi qaran ayaa sheegay inay iyagu  ku qanacsan yihiin natiijadan.

 

halkan Hoose ka daawo warkaasoo dhamaystiran.

Dhamaan Shacabka Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu wadaa inay codkooda u dhiibtaan si dimoqoraadiyadi ku jirto bisha danbe ee nofember 13keeda, iyadoo ay doorashadni ku tartamayaan sadexda xisbi qaran ee ka jira Somaliland ee kala  ah UCID,WADANI, iyo Kulmiye.

 

Hormoodnews/Hargaysa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.