Gudoomiyayaasha Xisbiga Wadani Iyo Kulmiye Oo Shir Aan Hore Loo Sii Shaacin La Qaatay Hogaamiyaha Dalka Ethiopia.

Addis Ababa(HMN) Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta oo arbaco ahayd  la qaatay shir   Raisal wasaaraha dalka Itoobiya mudane  Hailemariam Desalegn. Musharaxa Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa  si heer sare ah oo diblomaasiyadeed loogu soo dhaweeyey madaarka caaalamiga ah ee ku yaala magaalada  Caasimada ah ee Addis Abbaba.

Kulankaasi ay yeesheen Raisal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo Gudoomiye Cirro  ayaa ka dhacay  xafiiska Raiisal wasaaraha  ee ku yaala magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Kulankaasoo dhawr saacadood qaatay ayey labada hogaamiye kawada hadleen arimo badan inkastoo aanay ilaahada cadeen  ujeedadii laga lahaa  kulankaasi maadaama uu ahaa kulan aan hore loo sii shaacin.

Dhinaca kale,Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye  mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna wiigii hore kulan noocan oo kala oo aan la sii shaacin  la qaatay Raiisal Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn. Waxa ay dadka arimaha siyaasada Somaliland u dhuun daloolaa isaweydiinayaa sababta labadan hogaamiye ay u tageen dalka Itoobiya in ka yar wiig.

Warar hoose oo lagu kal soon yahay oo ay Hormoodnews heshay ayaa sheegaya in  hogaamiyayaasha labada xisbi looga yeedhay aqalka Raiisal wasaaraha si loogu sheego siyaasada ay ku socon doonaan  kolba kii markaa guulaysta. Gudoomiyaha Xisbiga kale ee  mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe ayaa isaguna lagu wadaa inuu la kulmo Raisal wasaaraha dalkaasi mudane Hailemariam Desalegn maalinta berito ah.

Hormoodnews/Hargaysa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.