Hoobiyeyaal Iyo Madaafiic Lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Baydhabo (HMN)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar madaafiic lagu qaaday garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay garoonka diyaaradaha Baydhabo, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in illaa afar madfac ay gudaha ugu soo dhaceen garoonka, iyadoo saaka ay ciidamada maamulka Koofur Galbeed howl gallo ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay ku baxeen goobo la tuhunsan yahay in madaafiicda laga soo tuuray oo u dhow garoonka diyaaradaha.

Ma ahan markii u horeysay ee weerar madaafiic lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

 

Hormoodnews.com

Muqdisho/Ofice

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.