Kaadh Qaybinta Codbixiyeyaasha Oo Berito Ka Bilaabmaysa Goboladda Sool iyo Sanaag

Laascaanood (HMN):  Kaadh qaybinta codbixiyeyaasha ayaa Sabtida  berito    si rasmiya uga bilaabmaysa goboladda Sool iyo Sanaag, sida ay Khamiistii doraad magaaladda  Laascaanood kaga dhawaaqeen  komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Munaasibad ay Khamiistii  shalay  komishanka doorashooyinku ku daah-furayeen  shaacinta  kaadhka codbixiyaha ee goboladda Sool iyo Sanaag ka bilaabmaysa Sabtida  beri oo  bisha August  tahay 12-ka,  ayaa  lagu qabtay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana   ka qayb galay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka iyo xubno ka tirsan komishanka guud ee  doorashooyinka qaranka Somaliland. Sidoo kale waxaa xafladaasi goob joog ka ahaa  hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale.

Gobolka Sool ayaa    goobihiisa codbixintu dhan   yihiin  177-goobood. Sidoo kale   gobolka Sanaag ayay isna goobihiisu yihiin 174-goobood. Isu-gaynta tiradda guud ee  goobaha   labadan gobol   ay komishanka doorashooyinku u qorsheeyeen in kaadh qaybintu ay ka dhacdo  ayaa  noqonaya 351-goobood.

Gobolka Sool   ayaa ka kooban   afar    degmo doorasho  oo kala ah degmadda Laascaanood, degmadda Caynaba, degmadda Xudun  iyo degmadda Taleex.  Halka gobolka Sanaag-na  ay qaybinta kaadhka codbixiyaha ka dhici doonto  afarta degmo doorasho ee   degmadda Ceerigaabo,  Ceel-Afweyn,  Badhan iyo  degmadda Garadag.

Wareega hore ee kaadh qaybinta ayaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ka socon doonta 12-ka  ilaa 18-ka bishan August.  Iyadoo magaalooyinka  Badhan, Ceel-Afweyn, Garadag, Caynaba,  Xudun iyo Taleex, wareega hore ay ka socon doonto 12-ka ilaa 16-ka bisha.  Sida ay sheegeen komishanka doorashooyinku.

Kaadhka codbixinta  waxaa qaadan kara oo keliya dadkii  hore isku diiwaangeliyay ee haysta waraaqdii ay komishanku siiyeen. Waxaana  looga dan leeyahay   in kaadhkan  lagu codeeyo doorashadda madaxtooyadda   Somaliland ee la filayo  in ay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha  November ee sanadkan.

 

 

Qaybinta kaadhka codbixiyeyaasha ee  ka bilaabmaysa goboladda Sanaag iyo Sool, waxaa ka hawli-geli doona shaqaale tirro  badan, oo isugu jira shaqaalaha  komishanka doorashooyinka,  wakiiladda xisbiyadda  siyaasadda iyo  qaybaha kala duwan ee ciidamadda.

 

Isku soo wada duuboo, goboladan   Sool iyo Sanaag ee ay  berito ka bilaabmayso qaybinta kaadhka codbixinta ayaa noqonaya labadii gobol ee ugu danbeeyay oo laga qabto bixinta kaadhka codbixiyaha muwaadiniinta u dhashay jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana hore looga soo qabtay qaybinta kaadhka codbixinta   afarta gobol  ee kala ah  Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hormoodnews/Hargeisa Office

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.