Khubarada saadaasha Hawada iyo saadaasha roobeed ee somaliland maalmaha soo socda-Hoos u eeg

Hargaysa (HMN) Khubarada saadaasha Hawada ayaa waxa ay shegeen in maalmaha soo socda ay roobab hor leh ka di’i doonaan Deegaanada somaliland, islamarkaana uu ku soo horayn doono gobolada badhtamaha Somaliland sida caasimada gobolka maroodijeex, Burco, Berbera, gabilay, deegaanada Hawdka, Boorama, ilaa iyo deegaanada ku teedsan Xeebaha galbeedka somaliland, waxaana la filayaa in deegaanada bariga somaliland uu roobku ka soo galo dhinaca xeebaha. maalinta arbacada soo socota ayuu gabi ahaan roobku wada gaadhi doonaa dhamaan gobolada somaliland bari iyo galbeedba. waxaaba maanta laga dareemayaa caasimada Hargaysa Saansaanta roobeed ee ku hoori doonta guud ahaan dalka somaliland hadii ilaahay yidhaahdo.

MAP OF RAIN

Hormoodnews/Hargeisa Office

Hormoodnews2@gmail.com

La Share Garee Asxaabtaada

Leave a Comment