“Ma ogolin in Somaliland keento Sool iyo Sanaag qaybinta kaadhka codbixiyaha Puntland dhulka ay xukunto way difaacanaysaa”… wasiir Qarjab

Garoowe (HMN):  Maamul goboleedka  Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal  ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in ay Puntland ka heshiiyeen in aanay carqaladdo ah ka dhicin   degaamadda bariga mudadda ay qaybinta kaadhka codbixintu ka socoto.

 Wasiirka warfaafinta maamulka  Soomaaliyeed ee Puntland  Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo maanta magaaladda Garoowe ugu waramay Puntland-tv ayaa sheegay in aanay  jirin  wax ay ka heshiiyeen   wasiirka daakhiliga Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Wasiirka Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in aanay marnaba ogolaan doonin in Somaliland ay qaybinta kaadh bixiyaha keento degaamo ka tirsan Sool iyo Sanaag, isagoo carabka ku adkeeyay  in wixii dhibaato ah ee arrintaas ka yimaadda ay masuuliyadiisa qaadanayso Somaliland.

 

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa  uu yidhi  “Waxaan doonayaa in aan beeniyo  war ka soo baxay wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland oo shalay hadlay, oo yidhi Puntland waxaan kala heshiinay in aanu sanduuqyadda kaadh qaybinta codbixiyaha gayno goboladda Sool iyo Sanaag.

 Arrintaa wax ka jiraa ma jiraan. mana ogolin in goboladda Sanaag iyo Sool  ay Somaliland sanduuqyadda keento.  Cidii goboladaas sanduuqyo keenta,  wixii dhib  ah ee ka yimaadda  masuuliyadiisa iyadaa qaadanaysa.  Puntland dhulka ay xukunto  way difaacanaysaa”.

Ugu danbayn wasiir Qarjab, ayaa ugu baaqay  shacabka reer Puntland ee ku nool goboladda Sool iyo Sanaag in ay dawladoodu garab taagan tahay, isla markaana ay ka difaacayso  cid  kastoo soo farro-gelisa jiritaankooda.

  “Dadka reer Puntland ee goboladda Sool iyo Sanaag jooga iyo meel kastoo ay joogaanba, waxaan leenahay  Puntland maanta carqalad ma rabto. Laakiin,  wixii  jiritaankoodda iyo midnimadoodda  soo farro-geliya, waa in loo diyaar garoobo, waana in la iska difaaco” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Puntland.

Geesta kale hadalkan ka soo yeedhay  maamulka Puntland ayaa jawaab u ah kadib markii wasiirk arrimaha gudaha Somaliland uu magaaladda Laascaanood ka sheegay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland  oo ay dhawaan is-arkeen in ay isla af-garteen in aan wax carqalado ah laga samaynin  degaamadda bari ee goboladda Sool iyo Sanaag.

 Mudadda  ay ka socota  qaybinta kaadhka codbixiyeyaasha jamhuuriyadda Somaliland oo Sabtida berito ka bilaabmaysa goboladaasi.

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.