SANAAG: Macalimiin Doonaya In Lagu Daro Kuwa Saxaya Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo Farriin Diray

Ceerigaabo (HMN) – Xubno ka tirsan Macallimiinta Dugsiyada dawladda ee gobolka Sanaag wax ka dhiga oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas Shalay, ayaa ku cawday inaanay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Xafiiska guud ee Imtixaanaadku waxba ka siinnin Macallimiinta Imtixaanka Shahaadiga ah saxda iyo Tabobbarrada Macallimiinta dalka la siiyo toona.

Waxay Macallimiintan oo Rag iyo Dumar-ba isugu jiray ugu baaqeen Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax inay doorkooda siiyaan Macallimiinta gobolka Sanaag, isla-markaana tabobbarrada la bixiyo aanay ka qadin, sidoo kalena ay Xubno kaga daraan Macallimiinta Imtixaanaadka sannadkan saxa, maaddaama oo 26-ka sano ee Somaliland jirtay waxba laga siin, sida ay ku doodeen.

 

Warkaasi oo muuqaal ah halkan hoose Daawo

 

Hormoodnews.com/Hargeisa Office

 

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.