Madaxa Doorashooyinka Ee Dalka Kenya Oo Shaki Ka Muujiyay Inay Dhacdo Doorasho Xor Ah Oo Ay Cadaaladi Ku Jirto.

Kenya(HMN) Madaxa doorashooyinka  ee dalka Kenya ayaa walaac aad weyn ka muujiyay in ururkooda ay awood u yeelan karaan in ay qabtaan doorasho xor  iyo cadaalad ah oo ay soo saaraan natiijo la aqbali karo wiiga fooda inagu soohaya.

Komishanka madaxa banaan ee doorashooyinka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IEBC) ayaa ku soo casuumay hogaamiyayaasha siyaasada ee dalkaasi inay kulmaan inta ka horaysa doorashada oo la filayo inay dhacdo wiiga soo socda. Madaxweynaha dalkaasu mudane Uhuru Kenyata isagu waxa uu doonayaa ina doorashadu dhacdo halka hogaamiyaha mucaaridka  ee dalkaasi  Raila Odinga  isagu  uu ku dhaartay inuu dhigo doono mudaaharaadooyin waaweyn oo uu  kaga soo hor jeedo doorashadaasi sababtoo ah waxa ay doonayaan in la badelo  saraakiisha ugu waawey qaar ka mid ah  oo ah kuwa soo saara natiijada ugu danbaysa doorashada.

” Dibadbaxyadu waa ay sii socon doonaan bishan 26keeda  waxana ay noqondoontaa dibad baxii ugu weynaa ee abid dalkoo dhan ka dhaca.” ayuu yidhi Raila Odinga mar uu kula  hadlaayeey taageerashiisa xaafad ka mid ah Nayroobi.

Dalka Kenya ayaa la filayaa inay marlabaad  ka dhacdo doorashadii madaxweynanimada  wiiga soo socda,kadib markii ay maxkamada ugu saraysa ay baabiisay ama laashay  natiijadii doorashadii dhacday  sidedeedii bishii sideedaad ee sanadkan 08/08/2017kii.

 

Hormoodnews/News Desk

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.