“Mar-naba kamay dhicin dalka doorasho jilicsan intii aan madaxweynaha ka ahaa Maxamed Kaahin iyo ragg kale halgankii ayay sheeganayaan aniguna”.. Daaahir Rayaale Kaahin

Hargaysa (HN): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in  uu isagu yahay ninka aabaha u ah ee aasaasay dimoqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka ee ay jamhuuriyadda Somaliland ku faanto.

Halka siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo reer Somaliland ah ay ku faanaan in ay ka soo qayb qaateen halgankii xoraynta ee jabhadii SNM, sidaas darteed-na uu isagu yahay shaqsiga keliya ee ku faani karra in uu Somaliland ka hirgeliyay doorashooyin kala duwan.

Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sidan ka sheegay mar uu ka jawaabayay  su’aal ay weriyeyaashu  waydiiyeen isagoo maanta ka soo degay madaarka diyaaradaha Hargaysa, su’aashaasi  oo   nuxurkeedu ahaa in doorashooyinkii uu dalka ka dhacay xiligii uu madaxweynaha ahaa   kuwii  uu  qabtay  madxweyne  Siilaanyo.

Waxaanu  deedifeeyay arrintaasi la xidhiidha  in  doorashooyinkii uu isagu qabtay ay ka jilicsanaayeen kuwii ay qabatay xukuumadda Siilaanyo, isagoo meesha ka saaray in mar-naba  aanay jirin  in doorasho jilicsan uu dalka ka qabtay.

Isagoo  su’aashaasi ka jawaabayay-na waxa uu yidhi  “Mar ay dhacday doorasho xun ma jirin? Mar-naba kamay dhicin dalka intii aan madaxweynaha ka ahaa    doorasho jilicsan. Afar doorasho ayaan qabtay mid-naba may jilicsanayn.  Doorashana ninkii bilaabay aniga ayuu ahaa, imaatinkaygan imiku-na  wuxuu qayb ka yahay dimoqraadiyadda Somaliland”.

Daahir Rayaale, ayaa tilmaamay in siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah ay ku faanaan mujaahidnimo iyo halgankii SNM, isagoo  ku hal-qabsanayay guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii madaarka ku soo dhaweeyay.

 Waxaanu yidhi  “Maxamed Kaahin iyo  (guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Kulmiye), halgankii ayay sheeganayaan.  Anigu-na dimoqraadiyadda Somaliland ayaan  sheeganayaa”.

Dhinaca kale Daahir Rayaale Kaahin, oo haatan degan dalka Faransiiska  ayaa ka hadlay u jeedadda safarkiisan uu ku yimid dalka, waxaanu  sheegay in lagu soo casuumay oo uu ka qayb gallo xafladda uu xilka kula wareegayo madaxweynaha la doortay Muuse Biixi.

 “Waxaan dalka u imid in aan ka qayb gallo xafladda ay xilalka kula wareegayaan madaxweynihii aniga I bedelay iyo madaxweynaha la doortay, taasoo la igu marti qaaday” ayuu yidhi madaxweynihii hore.

Daahir Rayaale,  oo ay wehelinaysay xaaskiisa mawro Hudda Barkhad Aadan,  ayaa si diiran loogu soo  loogu soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha Hargaysa,  waxaana  soo dahwayntaasi  ka qayb qaatay xubno ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda Siilaanyo, qaar ka mid ahaa wasiirradii iyo masuuliyiintii xukuumadii Daahir Rayaale ee UDUB, masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Somaliland.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta madaxweynihii hore ka qayb galay  siyaasiyiin magac ku leh dalka, xubno ka kala tirsan saddexda xisbi, aqoon yahanno  iyo dadweyne kale oo isugu jiray dhalinyarro iyo haween.

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.