Mosko: Putin oo kala Hadlay Khilaafka Qadar Boqorka Baxrayn.

Mosko(HMN) Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa kala hadlay khilaafka u dhaxeeya dawlada Qadar iyo wadamada kale ee Carabta  boqorka Baxrayn Hamad bin Isa al-Khalifa iyagoo khadka telefoonka kuwada hadlayey labadaasi hogaamiye maalinimadii Sabtida ahayd, sidaasina waxa sheegay aqalka looga taaliyo dawlada Ruushka ee Kremilinka.

 

Putin ayaa aad uga codsadey carabkana ku adkeeyey baahida loo qabo in wada hadal toos ah oo u dhaxeeya dawladaha lugta ku leh khilaafka ay wada yeeshaan. Isagoo sheegay in khilaafkani ku yeelan doono saamayn xun dhibaatooyin badana ku keeni karo bariga dhexe,ayuu afhayeenkii kreminilka u hadlayey yidhi.

Bishii la soo dhaafay ayaa dawladaha Sacuudi Careebiya, Khaliijka, Baxrayn iyo Masar  u jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo isu socodkii ay lahaayeen iyagoo ku eedeeyey dawlada Qadar inay xidhiidh la leedahay dawlada Iiraan iyo inay taageerto argagaxisada waa siday hadalka u dhigeene.

Dawlada Qadar ayaa iyadu beenisay eedaymahaasi oo dhan.

 

 

Hormoodnews/News Desk.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.