Musharaxa Faysal Oo Ka Codsadyey Shacbiga In Lagu Doorto Kitaabka Quraanka Isaga Oo Aan Qabiil Lagu Dooran.

Hargaysa(HMN) Musharaxa xisbiga UCID ENG: Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa sheegay in shacbiga Somaliland ay isaga ku doortaan kitaabka quraanka oo aanay qabiil ku dooran.

Mushraxa ayaa sheegay in haddii isaga la doorto uu wadanka Somaliland ku maamuli doono kitaabka quraanka sidaa darteedna ay shacbigu reer Somaliland isaga  doortaan oo aanay eegin dadka ku baaqaya qabiil iyo wax yaabo kale.

” Waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland hadda wey dhamaatay shaadhadhkii la bixinayey iyo lacagtii la bixinayey calamadii ciida ka badbayd iyo baabuurtii ay wasiiradu wateen maanta waxaa isku hadhsan idinka iyo ilaahay subxaanu watacaalaa codkiina aakhiro waa lagu weydiinayaa markaa codkaaga hddii aad qabyaalad ku bixisid oo aand ku bixin yaa wadankan maslaxad u haya ya u dan ah yaa Somaliland wey jabjabtay isku keeni karaya yaa wadankan keenaya Ictiraaf codkaaga ilaahay waa kugula xisaabtamayaa.” ayuu yidhi Musharax Faysal.

 

Halkan Hoose Ka daawo Warsaxaafadeedkaasi oo dhan.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.