Muuse Biixi Oo Magacaabay Guddiga Xil-wareejinta Xafladiisa

Hargaysa (HMN): Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddiga soo qaban qaabinaysa xafladda xil-wareejinta labadda madaxweyne oo la filayo in todobaadyadda soo socda la qabto.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha la doortay  oo saxaafadda loogu tallo galay, waxa uu magacaabay gudigaasi oo ka kooban 9 xubnood, isla markaana ay ka mid yihiin xubno wasiirro ah.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

 Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017 — December 6th, 2017

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye

2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin

3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin

4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin

5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin

6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin

7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin

8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin

9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.