Natiijadda Doorashadda Kenya Oo Lagu Dhawaaqay

Nairobi (HMN):  Natiijadda doorashadii guud ee dalka Kenya ka dhacday Salaasadii ina dhaaftay ayaa goor dhawayd si rasmi ah loo shaacinayay  in  kursiga madaxweynimo uu ku   guulaystay  hogaamiyaha xisbiga Jubilee Uhuru  Kenyatta.

Gudiga  doorashooyinka Kenya   IEBC    oo  xarunta Bomas  ee  magaaladda Nairobi goor dhawayd kaga dhawaaqay natiijadda kama danbaysta ah ayaa sheegay  in  Uhuru   Kenyatta,    uu guulaystay.

 

Madaxweynaha markii labaad dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweyne ku-xigeenkiisa, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale ayaa joogay goobta natiijadda lagaga dhawaaqayay ee Bomas.

Hogaamiyaha is-baahaysiga mucaaridka NASA Ra’ila Odinga, iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi ayaa ka baxay xarunta guud ee doorashadda lagaga dhawaaqay, iyagoo hor-dhicii natiijadda doorashadaasi qaadacay, isla markaana ku tilmaamay  in aanay ku qanacsanayn  si wax loo waddo.

Doorashadan   oo natiijadeedda   si weyn ay   wada sugeen  dadka reer Kenya,  ayaa markii lagu dhawaaqay  magaalooyin ka mid ah dalka Kenya gaar ahaana kuwa ay taageereyaasha madaxweyne  Kenyatta ku badan yihiin waxaa ka bilaabmay  damaashaad iyo  dabal-degyo.

Halka  magaalooyinka ay sida weyn ugu xoog badan yihiin taageereyaasha hogaamiyaha is-bahaysiga mucaaridka Raila Odinga  oo ay ka mid tahay Kisumu iyagna ay dhigayaan mudaharaadyo ay ku diidan yihiin natiijadda ay soo saareen  gudiga doorashooyinka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa kadib markii lagu dhawaaqay natiijadda  khudbad u jeediyay dadweynaha reer Kenya. Waaxaanu balan qaaday in uu si isku mid ah ugu  shaqayn doono bulshadda reer Kenya.

Geesta kale guud ahaanba waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalooyinka dalka Kenya, wixii ka danbeeyay markii ay soo baxday natiijadda hor dhaca ah ee doorshadda oo sheegaysa in Uhuru Kenyatta uu ku horeeyo   codad badan.

Waxaana la hawl-geliyay  kumanaan ciidamadda kala duwan ah, iyadoo  loo diyaariyay in   ay  ka hor tagaan  rebshado ka yimaadda dhinaca taageereyaasha mucaaridka.

Dhinaca kale goob joogeyaasha ka socday beesha caalamka ee indho-indhaynayay doorashadda Kenya ayaa sheegay in aanay jirin wax is-daba marin iyo musuq maasuq  dhacay, maalintii ay codayntu socotay.

 

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.