Rabshadaha U Dhaxeeya Ciidamada Filibiin Iyo Jihaadiyiinta Oo Sideed Qof Oo Rayid Ahi Ku Dhinteen.

Ugu  yaraan sideed qof ayaa lagu dilay dagaalada  u  dhaxeeya  ciidamada Filibiin  iyo dagaal yahaniinta  loogu yeedho  Maute  iyo  Aby Sayyaf  oo ku dagaalamaya magaalada  Marawi.

Ciidamada cirka ee  uu leeyahay dalkaasi ayaa qaaday dhawr weerer  oo cirka  ah iyagoo lala  beegsanayey  guri gaboobey oo  laga  guuray  oo  la tuhunsanaa inay  ku dhuumanayeen  dagaal yahaniintu,

Sideed  qof oo mayd  ah ayaa laga helay Ravine oo ah tuulo yar oo ku taala duleedka magaalada Marawi.

Sida la sheegayo  ciidamada melitariga  ah iyo  bilayska  gaarka ee u tababoran sida maliteriga  ayaa  hore u ruqaansadey.

 

Hormoodnews/News Desk

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.