Sadexda Musharax Ee U Tartamaya Kursiga Ugu Sareeya JSL Oo Si Wada Jir Ah Shir U Qabtay.

Hargeysa (HMN )Saddexda murrashax madaxweyne ee xisbiyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa si wadajir ah baaq ugu jeediyey shacabka reer Somaliland inay si nabadgalyo ah u codeeyaan maalinta codbixinta ee maalinta Isniinta, waxaanay shaaciyeen inaanay jirin wax colaad ah oo dhexdooda taalla, isla markaana uu soo dhammaaday tartankii iyo ololihii muddada saddexda toddobaad ah soo socotay.

Saddexda murrashax ee xisbiyada  UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Kulmiye  Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Hogaamiyaha Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan (Cirro) oo shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa maanta, ayaa waxa ay  shacabka ugu baaqeen inay wadajirka iyo isku duubnidooda ilaashadaan, isla markaana uu soo dhammaaday ololihii iyo xafiiltankii axsaabta dhexdeeda yaallay.

Ugu horrayntii halkaasi waxa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu shegay ujeeddada laga leeyahay doorashada iyo waqtiga badan ee la geliyey, waxaannu tilmaamay inay doorashadani tahay fariin ay shacabka reer Somaliland kula garnaqsanayaan beesha caalamka,  “Ilaahay baa mahadaa leh iyo nabadgelyadaa ina soo gaadhsiiyey waxaynu doorashadan u gelaynaa oo dhibta intaa le’eg ee dhaqaale u galaynaa  caalamka waynu kula garnaqsanaynaa, beesha caalamka iyo boqolaalka dawladood waxaanu leenahay dadka Somaliland ma geyaan in indhaha laga laliyo oo ictiraafkooda gardaro loogu diido ummadda waxaas oo tacab ah gashay, xaq bayna ugu leedahay, waana markii shannaad ee Somaliland doorasho gelayso oo ay ku muujinayso go’aankeeda qaranimo, midnimadeeda iyo horumarkeeda, maanta waa garnaqsi labaade codeeye ha u qaadan warqadda iyo codka aad ridaysaa inuu ku eegyahay qof aad dooranaysee qarankii baad hirgelinaysaa, taasina waxay kaaga baahantahay inaad si masuul ah uga qaybgasho doorashada.”, ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi isagoo arintaasi ka hadlayey.

 

Dhinaca kale, Musharaxa  Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-Waraabe, ayaa marka waxa uu u mahad celiyey gudiga doorashada oo iyadu soo qabnqaabisay ama suurto galisay shirkan waxa kale oo uu gudoomiye Faysal ka codsadey  bulshada reer Somaliland uguna  baaqay inay wadajirka iyo ammaanka ilaaliyaan, isla markaana aan loo baahnayn in shacabka dhexdiisa lagu abuuro cunfi iyo kala qoqobnaan, waxaannu yidhi, “Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay Ilaahay wuu qoray qofkii soo bixi lahaa, haddaad is dhaqaajiso iyo haddii aad ceeb samaysid waxba kama beddeli kartid go’aanka Ilaahay ee waxba ha is xiijinina oo caaddifad reereedda iska daaya, asluubta iyo magaca dalkeena iyo ka shacabkeena iyo sumcadda waddankeena inoo ilaaliya, tartankiina wuu dhammaaday oo hadda isku mid baanu nahay, waxaana naga go’an inaannu sharafta dalkayaga ka horraysiino wax kastaba, Huutuu iyo Tuutsina ma nihine hal qoys baynu nahay.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna halkaa ka hadlay sheegay  in laga soo gudbay ololihii iyo xafiiltankii axsaabta, isla markaana muwaadiniinta looga baahanyahay in iyaga oo sharciga iyo degenaanshaha dhawraya ay u codeeyaan ciddii ay taageersanyihiin, “Ololihii doorashadu wuu dhammaaday, haddii ololihii dhammaadayna tarankiina wuu dhammaaday, waxaynu xaq u leenahay inuu muwaadin kastaa codkiisa dhiibto, muwaadinkuna xaq waxa uu u leeyahay hal cod, codkaasna waxa la doonayaa inuu si nabadgelyo ah ku dhiibto, xisbigii uu doonana ku taageero, haddii uu KULMIYE taageerayo, haddii uu UCID taageerayo iyo haddii uu WADDANI taageerayoba, wax tartan ah oo dambe oo naga dhexeeyaana ma jiro, go’aankana shacabkaa leh oo cidda aad doorataan baa madaxweyne dalkan ka noqonaysa,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Ugu dambayntii, saddexda murrashax waxay si isku mid ah oo mawqif adag ah uga digeen dhawaaqyada dhiilada ada xambaarsan ee kasoo yeedhaya maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inaanay aqbali doonin farogelin kasta oo maamulkaasi ku sameeyo xuduudda Somaliland iyo qarannimadeedaba.

 

Hormoodnews/Hargaysa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.