Shirka Wasiirrada Gaashaandhigga Ee Is-bahaysiga La Dagaalanka Argagixisada Oo Riyad Ka Furmay

Riyad (HMN): Wasiirradda gaashaandhiga ee  dawladaha islaamka ayaa  magaaladda Riyad ee dalka boqortooyadda sucuudiga waxa uga furmay shir lagaga hadlayo dhibaatadda ay kooxaha argagixisadda ah ku hayaan.

Shirkan waxaa dawladda Soomaaliya uga qayb galay wefti uu hogaaminayo raysal-wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka  Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Waxaana shirkaasi isugu yimid  in ka badan afartan xubnood oo ah wasiirrada gaashaandhigga ee dawladaha islaamka ah ee  is-bahaysiga la-dagaalanka argagixisada.

 Iyadoo shirkaasi  mid   diiradda lagu saarayo  dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadda kooxahaasi.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka.  Waxaanu   ka hadlay   sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay cidhib-tirka kooxaha xagjirka ah.

Mudane  Khadar,  ayaa  ka warbixiyay dhibaatada kooxda Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ay ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Geesta kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaanay ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wefdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hormoodnews/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.