Somaliland Oo Ka Digtay Ujeeddada Safar Uu Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tagayo Garoowe

Hargeysa (HMN) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Axmed Muxumed Nuur oo Maanta Shir-jaraa’id u qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Safar ku imanayo Magaalada Garoowe, halkaasna uu ka bilaabayo Qorshe uu Ciidammo kaga qoranayo bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Wasiiru-Dawluhu wuxuu sheegay inay Somaliland la socoto dhaq-dhaqaaq kasta oo Dawladda Soomaaliya ka waddo Gobollada bariga Sanaag, sidaa darteed ay uga digayaan inuu isku dayo inuu Ciidamo ka qorto dhulka Somaliland, haddii kale uu qaadi doono Cawaaqib-xumada ka dhalata Arrintaasi.

“Waxa Magaalada Garoowe ee Puntland ku soo waajahan Maxaxweynaha Federaalka, taasina waxay tusaalaynaysaa sida Wararka Xog-ogaalka ahi nagu soo gaadhayaan inay doonayaan Gobollada Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle-ba ay faro-gelin badan ku sameeyaan, iyagoo Dadka ka dhaadhicinaya Ciidamo Federaalka laga qaado Gobolladaa oo la geeyo Xamar.” Ayuu yidhi, Wasiiru-Dawluhu.

 Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

hormoodnews.com/Hargeisa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.