Somaliland Oo Qarka U Saaran Inay Isku Beddesho Maamul-Gobolleed Ka Mid Ah Soomaaliya

Hargaysa(HMN) – Shacabka Somaliland oo Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ee Dalka Soomaaliya la galay Dagaal-qadhaadh, ka dib markii Xasuuq loo geystay, ayaa waxay Madax-bannaanidooda kala soo noqdeen Dalka Soomaaliya 1991-kii, waxayna aasaaseen Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland oo aan Aqoonsi Caalami ah ka haysan Bulshada Caalamka, ayaa tan iyo markii la aasaasay waxa soo maray Afar Madaxweyne oo Talada Dalka iskaga kala dambeeyay, kuwaasi oo kala ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland soo maray, Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland soo maray iyo Madaxweynaha Hadda talada haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Saddexda Madaxweyne ee ka horeeyay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa mid walba wuxuu soo qabtay Shaqooyin muhiim u ahaa Dhismaha Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, sida Ciidammada, Dastuurka Qaranka, Lacagta iyo Nidaamka kale ee qaybta ka ah Dhismaha Dawladnimada Somaliland, waxayna lahaayeen Yool iyo hiigsi ku saabsan hirgelinta rabbitaanka Shacabka Somaliland, waxayna Dalka u horseedeen Nidaam dimuqraadi ah oo sahlay in Awoodda si Nabadgalyo ah ay kulak ala wareegaan Madaxdu.

Horumarinta kaabayaasha Dhaqaalaha ka sakow, waxa ahmiyaddooda koowaad ahayd sidii Shacabka Somaliland u gaadhi lahaayeen Isku fillaansho Siyaasadeed oo aan dib loogu baahdeen Soomaaliya oo 1991-kii Xornimadooda lagala soo noqday, laakiin tan iyo markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay waxa hoos u dhacay mooralkii Waddaniyadeed ee Shacabka Somaliland, ka dib markii Xukuumaddu Wada-hadallo la furtay Soomaaliya isla-markaana saxeexday Heshiis dhigaya in Dadka Soomaaliya iyo Somaliland isku socdaan, taasi oo hal-bacaad lagu lisay ka dhigtay Hankii Shacabka ee jiritaanka Somaliland.

Waxa Dalka ka jirta shaqo la’aan baahsan oo saamaysay Dhallinyarada Somaliland guud ahaan, ka dib markii Xukuumadda talada haysaa ka gaabisay inay si muuqata Shaqo Abuur ugu samayso kumanaanka Dhalinyarada ah ee Sannad walba ka soo qalin-jebiya Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha, kuwaasi oo intooda badan aad ku arkayso hareeraha waddooyinka iyagoo Camal la’aan la fadhiya, marka laga reebo Shaqsiyaad kooban oo qabiil ama Nidaam kale oo aan Sax ahayn lagu Shaqaaleysiiyey.

Arday badan oo ka soo qalin jibisay Jaamacadaha Hargaysa ayaa gaajo la fadhiya gidaarada caasimadda, taasina waxay kaliftay in dhalinyaradii u han-weynaa Somaliland ay Maanta u hanqal-taagaan doorashadii ka socotay Xamar, halka qaar kalena ay isku miidaaminayaan badda si ay u helaan nolol ka wanaagsan ta ay hadda ku haystaan Dalkooda, ka dib markii ay ku hungoobeen dawladoodii.

Waxaad ka arkaysaa dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo Bar-kulanka Facebook ku hambalyeynaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kuwaasi oo qaarkood haddaad waydiiso waxay ugu hambalyeynayaan Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ay kugu jawaabayaan “Midnimadii Soomaaliya in la soo celiyo ayaa ka wanaagsan Nolosha aanu Somaliland ku haysanno”, taasi oo muujinaysa in Xukuumadda Somaliland Shacabkeeda nacsiisay jiritaanka Waddankooda, ka dib markii noloshooda waxba laga qaban waayay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa mar uu ka hadlayey Xuska maalinta Dhalinyarada Somaliland waxa uu sheegay in Carruurta Somaliland aanay haysan wax shaqo, taasina keentay inay u hanqal-taagaan inay Xamar shaqo u doontaan.

Ugu dambeyn, waxaad arkaysaa in xataa dacaayadihii TV-yada  ee ku saabsanaa doorashadii Farmaajo laga daawado ama laga sii daayo magaalada Hargaysa oo ay reer Muqdisho ka faa’idaystaan shacabka Somaliland ee ay Dawladdii ay doorteen waxba u qaban wayday.

Halkan  Guji oo ka Daawo  dacaayadan lagu taageerayo Farmaajo oo ay duubeen wariyayaal reer Somaliland Ah.

La soco Qaybo kale haddii Alle yidhaahdo

Hormoodnews Staff Writter

Hormoodnews/News Desk.

 

 

 

 

La Share Garee Asxaabtaada

Leave a Comment